Maraykan Ah Oo Dhisme Weyn Oo Casriya Oo Ku Shaqeeya Tamarta Cadceeda Uga Dhisaya Magaaladda Berbera Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Hargeysa 21.Dec 2015 (SDN/QJ):-Ciidaanka Ilaalada Xeebaha Ee Somaliland ayaa Xaruntooda Berbera Looga dhisayaa Dhisme wayn Oo Casri ah kaasi oo ay Dhisayso Shirkada Maraykan ah oo la yidhaahdo OCEANS BEYOND PIRACY, dhismana ayaa waxa lagu xidhayaa Qalab SOLAR SYSTEM ah oo ay hirgalinayso Shirkada GOLIS Energy.
Kulan arintan lagu iclaaminayay oo ka dhacay Taliska Guud ee Ciidanka Xeebaha ee Magaalalada Hargeysa ayaa waxayaa ka soo qayb galay Taliyaha Ciidanka Xeebaha Admiral: Maxamed Xuseen Faarax (XIIRANE), Saraakiil sar sare iyo Maamulka Shirkada GOLIS Energy ee Solar-ka.
Ugu Horeyn Maamulaha Guud ee Shirkada Golis Energy Sayid Cali Axmed Cabdi oo ka hadlay Kulan kaasi ayaa waxa uu sheegay “Maanta waxaanu halkan ku furaynaa Mashruuca SOLAR-ka ee lagu rakibi Doono Xarunta Cusub ee Ciidanaka Ilaalada Xeebaha ee ay ku deeqday Hay’ada OCEANS BEYOND PIRACY oo ay SOLAR ku rakibi doonto Shirkada Golis Energy oo Wada jir ula shaqaynaya Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo ay Maanta Halkan Wada Joogaan Taliyihii iyo Ciidankiiba Hawshaasi oo noqon doonta mid aynu ku ilaalinayo danteena, dabka ay ku shaqayn doontaana ay kai man doonto tamarta Caddeeda ee Ilaahay dalkeena ku manaystay. ” ayuu yidhi Maamulaha Golis Energy Sayid Cali Axmed Cabdi.
Dhinaca kale waxa soo dhaweeyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral: Maxamed Xuseen Faarax (XIIRANE) waxaanu yidhi “Aad baanu u soo dhawaynaynaa qabalka SOLAR ka ah ee ay Shirkada Golis Energy inoogu xidhayso Dhismaha Ilaalinta Bada ee Berbera maadaama oo ay Badu aad u balaadhan tahay oo ay u baahan tahay Ilaalin badan Qalabkani wuxuu ka qayb qaadan doonaa oo uu wax naga tari doonaa sidii amaanka Bada loo sugi lahaa a Hay’ada OCEANS BEYOND PIRACY way na siisay Golis-na way fulinayaan, oo waxa lagu wada xidhi doonaa Dhismaha Wayn ee Bada ku sii Jeeda madaama oo ay Hawshayadu Badda tahay.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidan-ka Ilaalada Xeebaha Admiral: Maxamed Xuseen Faarax (XIIRANE).