Marakanka oo sheegay In Al Shabaab ay kala dagaalami doonaan Cirka
Nairobi April 17 2013 (SDN)– Sida ay qortay wakaalada wararka ee AP,xukuumada Washitong ayaa wacad ku martay inay ciribtiri doonto unugyada dagaalka ee ka jira wadamada Soomaaliya, Yemen iyo Libya,kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay xasilooni daro ay ku yihiin dhamaan wadamada dariska.
Brack Obama ayaa si gaar ah u xusay in haatan dagaalyanahada Al-shabaabka Soomaaliya ay u adeegsan doonaan Diyaaradaha aan cidi kaxeyn ee loo yaqaano (Dronesk),kuwaasi oo meelaha fog fog waxka basaasa.
“Waxaan rabnaa inaan caawino Soomaaliya,islamarkaana ladaala dhaceysa sidii ay ku hanan lahayd ammaanka dalkeeda,waxaana jira dhibaatooyin ka hortaagan sida Al-Shabaab”,ayaa lagu yiri warbixin AP.
“Wadanka Soomaaliya hada maka maqni oo waan garab istaagsan nahay,waxana jira ciidamo African ah oo anaga aan caawino kana howlgala Soomaaliya,kuwaasi oo Shabaab ka riixay deegaano badan,iyagana caawintooda waan siiwadi doonaa,ayaa la sii raaciyay warbixinta.
Warbixinta ayaa intaasi waxay ku dareysa in dowlada Washitong ay ka walaacsan tahay ammaanka dalka iyo qatarta kooxaha ka soo horjeeda dowlada oo muujinaya awood ah inay wali ku xoogan yihiin Soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya aya iminka wajaheysa caqabadooyin dhanka amaanka ah iyo weeraro kaga imaanaya Al-shabaab,waxayna beesha caalamka ka codsatay inay ka taageeraan sidii amaanka lagula sugi lahaa ciidamada dowlada.