Marag-ma-doon: Madaxbannaani iyo Midnimo Somaaliyeed
Maalmaha madaxbannaanida Soomaalida.
(26.6 Somaliland, 27.6 Jabuuti, 1.7 Somalia)
1. Somaliya iyo Jabuuti diyaar ma u yihiin dhaqan ahaan iyo niyad ahaan ?
2. Soomaaliya iyo Jabuuti ma aqoonsan karaan Somaliland ?
Maanta waxaa ku suntan markii u horeysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah, lagana rogay kii gumeysiga Ingiriiska.Waxaana astaantaas laga taagay beerta xoriyadda ee Magaalada Hargeysa, Magaalada Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland, markii ay madax bannaanida ka qaadatay gumeysigii Ingiriiska 26.06.1960.
Wakhtigaas qormo, Wargeyska-Herald tribune, London, uu qoray 29.06.1960. “Somaliland waxaa ay heshay madaxbannaani saddex cisho ka hor waxaana ayna mar labaad bixinaysaa maalinta Jimcaha oo ah laba cisho ka dib.Waxaa ay tahay dhul leh qiimo taariikheed sababtoo ah: waxaa ay tahay arrin ugub ah iyadoo ku biiraysaa dhul aan haysan madaxbannaani-taasoo weli farsamo ahaan ay gacanta ku hayso Qarammada Midoobay, iyadoo nidaam ahaan madaxbannaani heli doonta bisha Diisembar.Waxaa Somaliland go’aansatay inaanay ka sii mid ahaan ururka barwaaqa sooranka (common wealth)´´
Xilligaasi dadka Soomaaliya waxaa xornimo gaadhsiin u sameeyey muddo ku siman 10 sanno qaramada midoobay/gumeysigii talyaaniga ee xukumi jiray dalka soomaaliya, waxaa ay dhalatay Jamhuuriyaddii Somalida 1.7.1960.Iyadoo ka dhalatay midawgii Somaliland iyo Soomaaliya. Taasoo ahayd talaabaddii u horseesay ee raadintii Somaliweyn oo ahayd: inay shanta Soomaaliyeed yeeshaan dal iyo dawlad ay wadagaan.
Somaliya waxaa u diyaar ahaa Jamhuuriyad qaab dhismeedkeedu diyaarsan yahay isla markaana haysata taageerada aqoon maamul oo ku dhisan nidaam dawladnimo diyaariyey dalalkii madaxbannaanida la gaadhsiinayey ee Afrika ee wakhtigaa xornimada qaatay laguna taageeray sidii ay isu maamuli lahaayeen kolka taladooda loo dhiibo, iyagoo raacaya dariiqii loo jeexay ee ahaa hannaanka dawlanimo ee loo sar gooyey isticmaarka ka dib sidii uu u socon lahaa.
Dadkii reer Somaliland ee madaxbannaanida qaatay ,waxa ay jiidheen fikirkii dawladeed ee isticmaarkii ka tegey ee Soomaaliya loogu talagalay, waxaana ay suurto geliyeen midaw laba dal oo kala dhaqan iyo nidaam dawladeed ahaa. Waxaana ay dirqiyeen dhismo dawladeed oo aan la jaan goyn, fadqalalana geliyey dhismihii iyo hannaankii muddada tobanka Sannadood ah laga soo shaqaynayay ee Qaramada Midoobay iyo Talyaanigu gacanta ku hayeen, iyadoo la geliyey hayaankii raadinta Shanta Soomaaliyeed (Soomaali- weyn)
Dhulka Soomaalidu degto ee Kiiniya(NFD),waxaa cod loo qaaday,islamarkaana Ingiriisku ku wareejiyey dalka Kiiniya 1963kii, markii uu madaxbannaanida siiyey,Isagoo Gumeysigii Ingiriisku hore ugu wareejiyey dhulkii Hawd Itoobiya 1954kii. Jamhuuriyadda Jabuuti waxay madaxbannaanida ka qaadatay gumeysigii Faransiiska 27.6.1977. Waxaana ay go’aansadeen inay dhistaan Jamhuuriyadda Jabuuti. Kolkii Jamhuuriyadda Soomaalidu ay ku guuldaraysatay, guluf colaadeed oo ay ku qaaday Itoobiya,si loo madaxbaneeyo dadka Soomaalida ee ku dhaqan, dhulka Soomaalidu degto ee ka tirsan Itoobiya.
Hogaamiyayaashii kala dambeeyey ee qaybaha Somalida , laga soo bilaabo xilligii madaxbannaanida iyo maantadan la joogo, waxaa ay isku wadi kari la’yihiin hannaanka dhismaha dawladeed ee loo sameeyo ee ay u sameeyaan dawladihii gumeysiga ka tegey ama Ururka ay leeyihiin Quruumaha Midoobay oo ay taladiisa leeyihiin dalalkaasi iyo inta la tamarta ah ee ay ku tartamayeen, qaabka ama hannaanka dawladnimada dunidani siiba dalalka saddexaad u shaqaynayso iyo danaha dadkooda. Taasoo horjoogsatay in la helo shan Soomaliyeed oo dal iyo dawlad wada yeesha,arrinkan oo keenay isku noqosho iyo burbur ku yimaada Jamhuuriyaddii Soomaalida,inkastoo ay jirtay saamayn ay ku yeesheen dhacdooyin badan oo qoraalkan aan lagu wada koobi karin, iyo tartanka dalalka awoodda weyn leh iyo habdhaqankoodu.
Burburka Jamhuuriyaddii Soomaalida ku dhacay, Jabuuti waxay ku badbaaday gooni isutaagga. Halka reer Somaliland ay dib uga bilaabeen halkii uu kaga tegey gumeysigii oo ay dib u yagleeleen Jamhuuriyad.Iyagoo samaystay hannaan dawladeed oo ay iyagu sargooyeen hab dhismakeeda. Somaliya burburkii dabadheeray uu dhaxalsiiyay markale, inay ay gacanta ku hayso Qaramada Midoobay dawladda Soomaaliya dhismaheeda, hannaanka ay u shaqaynayso, iyo sida loo rabo.
Hadaba Midnimo Soomaaliyeed oo muuqaalkeeda iyo manfaceedaba loo muunsoodaa waxaa tusaale muuqada ugu filan:Kulan lagu xusayay maalinta qoraalka afka Soomaaliga oo lagu qabtay Jabuuti, ayna kana wada qaybgaleen saddexda Janmhuuriyadood ee Soomaalida Madaxweyneynayaashooda iyo diblomaasiyiin Soomaalida Itoobiya iyo Kiiniya ka socda.
Taa lidkeeda, waxaa markhaati ugu filan weedhaha Madaxweynaasha Jamhuuriyadaha Soomaalida ee xilliyaddan u dambeeyey ay warbaahinta isu mariyeen:
Ismaciil C. Geelle: “Somaliland waxay kala hormariyeen faraskii iyo gaadhi-farskii.`
Hassan sh. M:“Somaliland waxaa la joogaa xilligii caadifadda laga bixi lahaa, ee midnimada laga wada shaqayn lahaa.“
Ahmed M. M:“Somaliland waxaa go’aankeeda leh dadkeeda-Xoogoodana way ku difaacayaan.“
Gebegabadii, qarnigan bilawga ah midnimada Soomaalidu waxay taabageleysaa dhaqan iyo niyad ahaanba, isla markaana tamar iyo tayo yeelanaysaa, marka qaybaha madaxbannaanida haystaa ay is aqoonsadaan.Isla markaana ay iskaashi ka sameeyaan dhinacyo badan. Dadka Soomaalida ee ku dhaqan saddexda Jamhuuriyadood iyo labada gobol ee Soomaalida Itoobiya iyo kiiniya iyo inta ku filiqsan qaaradaha adduunkaba, waxay yeelanayaan haybad, maamuus iyo qaderin, haddii laga daayo muranka konton iyo dhawr jirsaday ee midnimo beenaadka, madaxnimo maqaarsaara iyo sedbursi ku dhisan, kana timaada dadyaw kale oo aan eegayn danta Soomaalida ee tooda ka fushanaya.Waxayna dhaxalsiinaysaa isku noqosho horseedda Colaad iyo Nac ay ku sii baaba’aan.
Hassan.M.Nur ( nurhassan@hotmail.com)