Maraakiibta dagaalka Dutch-ka iyo Spain oo gacanta ku dhigay 9-burcad badeed Somali ah
Amsterdam Feb 20 2013 (SDN)— Maraakiibta wadamada Holand iyo Spain ayaa si wadajir ah waxay gacanta ugu dhigeen 9-ruux oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Kooxaha burcad badeeda Soomaalida kuwaasi oo la qabtay xilli ay ka qowleysanayeen xeebaha Soomaaliya,sida wasiirka difaaca dalka Holand war u soo saaray ku sheegay.
Kooxahan lagu eedeeyay burcadbadeeda Soomaalida ee gacanta ay ku dhigeen ciidamada Badda ee dowladaha Spain iyo Holand,ayaa la sheegay inay si sharcidaro ah kaga qowleysanayeen xeebaha Soomaaliya sida wasiirka difaaca dowlada Holand uu xaqiijiyay,waxuu sheegay in shaqsiyaadkaan la qabtay maalintii shalay oo talaado ku beegneyd.
Sidoo kale wasiirka difaaca dalka Holand oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay in qabashada ragaan ay u fududeysay kadib markii ay u adeegsadeen doomaha dheereeya iyo Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopter loo yaqaano.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Badda Spain ayaa sheegay in marka laga soo tago ragaan sagaalka ah ee gacanta lagu dhigay ay jiraan dad kale oo tuhmanayaal ah oo looga shakisan yahay Burcad badeeda Soomaalida oo ay ku dul hayaan maraakiibtooda dagaalka ee xeebaha Soomaaliya ku sugan,kuwaasi oo sida la sheegay maxkamad la soo taagi doono iyadoo si rasmi ah loo cadeyn goobta ama dalka maxkamada lagu soo taagayo.
Ugu dambeyntii wasiirka difaaca dalka Holand oo arintaan ka hadlay ayaa digniin u jeediyay dhalinyarada ku mashquulsan afduubka Maraakiibta iyo doonyaha isticmaala xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan,isagoona sheegay in loo baahan yahay dhalinta arintaasi ay ka waan toobaan.
SDN-Amsterdam