Maraakiib Dalka Iran Laga Lahaa Oo Gacanta u Galay Budhcad-badeedda Soomaalida
Muqdisho:Mar,27,2015(SDN/QJ)-Budhcad-badeedda Somalida, ayaa gacanta ku dhigay Laba markab oo laga lahaa waddanka Iran, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Maraakiibtan, ayaa xeebaha soomaalia lagu afduubay, waxana ay noqonayaan Afduubkii ugu horreeyey ee Kooxahaasi sameeyaan Ilaa iyo sanadkii 2012-kii.
Xafiiska Daroogada iyo dambiyada ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in maraakiibtaasi ay saarnaayeen 48 shaqaale ah, ayna si sharci daro ah uga kaluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya.
Khuburada baduhu waxa ay sheegayaan in hoos u dhaca weerarada budhcadu ay sababtay in ay bataan maraakiibta sida sharcidarada ah uga kaluumaysata xeebaha Soomaaliya, taasina ay sababikarto in weeraro dheeri ah oo ay budhcad badeedu gaystaan.
Maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah oo gaafwareega xeebaha Soomaaliya iyo maraakiibta oo adeegsada waardiyeyaal hubaysan, ayaa gacan ka gaystay in ay hoos u dhacaan budhcad badeedii Soomaalida, kuwaas oo gaysan jiray ilaa 200 oo weerar sanadkiiba.
Muddooyinkii ugu dambeysay, ayaa waxaa yaraaday weerarada budhcad badeeda ka geysanayan xeebaha dalka Somaliya iyo xeebaha gacanka cadmeed.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com