Maraakiib Dagaal iyo Ciidamo Kenya Usoo Diraysa Badda Muranku Ka Taagan yahay Ee Xadka Soomaliya
Nairobi:Jully,20,2015(SDN/QJ)-waxa meel sare gaadhay muranka dhinaca badda ah ee u dhexeeya Dawladaha Kenya iyo Somalia, waxana xukuumaddu Kenya ku hawllan tahay qorshe ay maraakiib dagaal iyo ciidamo ugu dirto Goobaha muranku ka taagan yahay.
Gudxiga Golaha Difaaca Qaranka iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Baaralamaanka Kenya, ayaa dowladda Uhuru Kenyatta ugu baaqay inay si Deg Deg ah Ciidan xoog badan u geyso Xad Badeedka lagu muran sanyahay, kahor inta aan billaaban dhageysiga Dacwadda Soomaaliya u gudbisay ICJ.
Gudoomiyaha Guddiggan oo lagu magacaabo Ndung’u Gethenji ayaa wuxuu sheegay in Kenya aanay waxba la hadhi doonin Dadaalka ay ugu jirto inay hesho Aaga Shidaalka qaniga ku ah ee Biyaha Badda ku dhaw dalka Soomaaliya.
Kenya ayaa go’aanka gaadhay markii ay ka quusatay in Muranka Badda lagu xaliyo si Hoose, oo ka baxsan Maxkmadda ICJ, oo Soomaaliya ka biyo diiday Waan-waan & Wadahadal in laga galo Xad Baddeedkeeda.
Muran Badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa u muuqday Mid ka fog inuu dhamaado Mudo dhaw, waxaana taasi u sabab ah in Biyaha Badda lagu muransan yahay uu ku jiro Shidaal badan oo Shirkadaha Caalamka ay Indhaha kuwada hayaan.
Badda Muran uu ka taagan yahay waxay gaadheysaa 100,000sq km, waxaana Muranka uu soo billowday 6 Sano kahor markii ay Kenya ay Shirkadi Shidaalka baadha ay geysay si Shidaal looga soo saaro.
SDN/QJ