Maqaal:IFAFAALE FASHILADEED OO KU SOO FOOL LEH DIIWANGALINTA CODBIXIYAYAASHA IYO TA MADANIGA AH
Tan iyo Markii ay Somaliland bilawday nidaamka doorashooyinka madaxa bannaan ayaa waxa lagama maarmaan noqotay in la sameeyo hab diiwaan galineed (System registration) oo lagu kala saaro qofka gaadhay da’adii codaynta iyo in aan lagu celelin codixinta.
2009 kii ayaa ay ahayd markii ugu horaysay ee ay Somaliland samayso voting registration kaasi oo noqday hal bacaad lagu lisay kadib markii uu nidaamkasi ku fashilmay sababa badan awgood. Kuwaas oo ay ka mid yihiin asbaabahan soo socdaa:
1- Iyada oo aanay jirin daraasad qoto dheer oo lagu sameeyay dhaqanka dadka la doonayay in la diiwaan galiyo iyagoo bilaabay tartan aan sharci ahayn oo sadbursi ah. Taas oo hadii la samayn lahaa lagaga hortagi lahaa qaladaad badan oo ay beeluhu laftoodu samaynayeen iyaga oo ay horkacayaan salaadiintooda iyo Waxgaradkooduba.
2- Server kii la doonayay in uu kala saaro dadkii la diiwaan galiyay oo sidii la rabay u shaqayn waayay. Taasina ay keentay in wixii la soo ururiyay ay noqdaan wax magac uyaala ah oo aan shaqaynayn.
3- Shaqaalihii loo diray goobaha diiwaangalinta oo aan helin awoodii ay ku fulin lahaayeen wixii loo soo igmaday. Tusaale ahaan marka koox loo diro meel tuulo ah dadkii deegankuna yaraado, waxa ay qolada deegaanku isku dayayaan in ay ku laba,sadex jeer noqdaan si ay uga bataan tuulada ku xigta markaa in ay qasab iyo xeelad iyo hanjabaad ku meel marsadaan ayaa ay isku dayayeen. Iyada oo askarta amaankuna ay yihiin 2 askari oo midkiiba 8 xabadood oo loo soo tiriyay sito oo hadii qalalaase dhaco marka u kor u rido 8da xababa noqonaya shicib.
4- Wada shaqayn la,aanta kooxda(team)kii shaqada loo diray oo ay isu qabqabsanayeen gudoomiye iyo ku xigeen, gudomiye iyo askarta amaanka iyo qaarkale taasna ay keenaysay shaqada oo aan ukala soocnayn si habsami ah.
5- Wada shaqayn la’aan ka dhaxaysay kooxda la diray iyo madaxdii dirtay.
Caqabadaahaas iyo kuwa kale oo tiro badan ayaa ka mid ahaa wixii diiwaanglintii hore ee malaayiinta dolar ku baxeen ka dhigay mid khasaarta. Hadaba Iminka oo aynu ku jirno September 2014 ayaa 25keeda waxa bilaabmaya mashruuc la yidhi waa diiwaangalinta madaniga ah iyo ta codbixiyayaasha kaas oo lagaga diirsan doono dhibaatooyinkii inaga qabsaday doorashooyinkii hore.
Hadaba aynu iswaydiino su’aalahan:
Khalaaadkii hore ma laga faaiidaystaay mise waa layska baalmaray?
Shirkada la siiyay qandaraaska waayo aragnimo iyo karti intee leeg bay u leedahay hawshan?
Dorkee dawladeenu ka ciyaaraysaa inta agu gudo jiro hawsha? Ma way kormeeraysaa? ma hawshay badh leedaay? Mise waxa Shirkadu u soo xarayso ayuun bay sugaysaaa ileen qandaraas bay ku bixisee?
Intaa marka aan kaga imaado su’aalahaa waxa ii soo baxaya Habacsanaan iyo galdaloolooyin ku bilaabmay mashruucan diiwaan galinta ah, aniga oo qodobayn doona dhaliilaha aan ku saxayo Hawl wadaagayaasha hawshan.
1- Waa marka koobaade, waxa durba lagu dhacay oo aan la samayn wacyigalin sida uu dhaqanka cadaw ugu yahay habkan diiwaan galinta oo aan wax wacyi galina oo ku filan laga samayn.
• Iyo wacyi galin la’aan iyada oo uu bilaabmayo 25/09/2014.
2- Iyada oo ilaa iyo hada aanay kala cadayn in hawsha la qabanayaa Tahay diiwaangalntii madaniga ahayd iyo in ay Tahay tii codbixiyayaasha. Hadiiba ay Tahay tii macodbixiyayaasha maxaa barlamaanka lo horkeenay xeerka odhanaya ilaa qofku qaato warqada dhalashada kaadhka codaynta qaadanmaayo? Hadii ay Tahay tii diiwaan galinta madaniga ahayd systamku ama nidaamka wax lagu diiwaangalinayaa ma aqbalyo wx ka yar 16 jir markaa sideebay isu qabanayaan waa madani(civil registeration ) iyo 16 jir wax ka yar maqabanayo isma gasho.
3- Dhinaca programka loo adeegsanyo systamka oo iyana ilaa iyo hada aan si fiican loo garanayn halka lagu dhisay madalkaa mise waa meelkale, ma wadanibaa sameeyay mise ajahanbi iyo luuqada(Compuer language) loo isticmaalayba.
4- Qalabka (Tool)ka la adeegsanayo yaa laga soo iibsaday ma shirkadii Hindia laga leeyahaybaa laga so gatay mise dal kale, oo yaa inooga damaanada hadii qalabka iyadoo hawsha lagu jiro wax ka yimaadaan? Maxaase inooga qorshaysan ma cada ilaa hada ?
5- Galdalloolooyinka Systemka ka soo ifbaxay ee ilaa iminka la sheegayo waxaa ka mida
• Haduu qofku uu gacmo la,ayahay sidee loola tacaamulayaa ileen xaqbuu uleeyahay in uu is diiwaan galiyo’e (Nidaamku jawaab uma hayo ayaa igu maqaalo ah.)
• Systemkani Internetka ayuu toos ugu xidhan yahay oo qofka goobta laga diiwaangaliyo si toosa ayuu serverka ugu dirayaa. Hadii internetka goobta la waayo ama uu disconnect noqdo waxa ay ka dhigan Tahay shaqadii waa xayiran Tahay ileen server tambareeriyi ma jiree. Dhinaca kale dalka oo dhan min tuulooyinka ilaa magaladaba ku dhahoo internt side looga helayaa.?
• Hadii isha qofka la diiwaan galinayaa ay caad/Dhaaad saran yahay sidee loo xalinayaa?
• hadii faraha qofka laga qadayaa ay qaban waydo muraayadan sawiraysaa (scanner)sida dadka muruq maalka ah iyo Dumarka xinaha marsanba maxaa xala? Taana farbaa ku godan.
• softwareka loo adeegsanayo hawsha oo inamadii Tababarka qadanayay ay sheegeen in aanu dhamaystirnayn (U malayn mayo in ay jirto hadii ay jirtana mashruucu waa khasaaray).
• Quruxda systema ama interfaceka lagu shaqaynayo oo isna la shegay in aanu nidaamsanayn, midab Huruudana uu ku samaysan yahay oo dawakhinaya qofka ku shaqaynaya.
• Waxa ay ahayd kooxda (team)ka in intii wada shaqaynaysaaba ay hada iska taqaano kuwa kale maadaama uu tababarkii bilaabmay, laakiin tababarku waa jaantaa rogan oo waa isku sii dhexdays marka uu dhamaado ayaa laysu qaybinayaa iyagoo hadana isku cusub.
Hadaba waxa aan qoraalkan uga jeedaa in aan ku saxo ama ku baraarujiyo qolyaha shaqadan ku dhexjira ee ugama danlihi in aan ku ceebeeyo ama aan ku niyad jabiyo. Qoraalka waxaan u holoday si aan garabka uga istaago hawsha qaranka loo hayo maadaama oo danta qaranku Tahay mid inaga dhaxaysa oo waajib ku ah qofwalba in uu dhinaciisa qabto. Maadaamo oo ay sidaa Tahay Ayaan waxa aan is tusay in aan dhankayga qoraal ku gudbiyo waxa aan sheegayana aan qoro iyaga oo qodobaysan.
Cabdirisaaq Xuseen Nuur (Eng. Bullaalle).
qarandeq@hotmail.com