Maqaal uu qoray Madaxwayne Rajab Tayib Erdogan ee Shirka Dawladaha Islaamka
Shirka dawladaha Islaamka ee dunida oo soconaya 13-14 April 2016 oo ka bilaabmay Dalka Turkiga, Gaar ahaan Magaalada Istanbul, halku dhigiisuna yahay “Wada jir iyo Wada Tashi si loo Gaadho Cadaalad iyo Nabad Gelyo”. Ayaa madaxwayne Rajab Tayib Erdogan qoray maqaal gaar ah oo uu kaga faaloonayo himilooyinka ummadaha islaamka ah iyo dhibaatada haysata iyo sida uu shirkani uga hadli doono.
Waa kan maqaal ka oo dhamays tiran:
Haba kala duwanaato aragtiyohooda siyaasadeed, dalalka ay u dhasheen, diimaha ay haystaan, ama dhaqanada ay leeyihiin, cadaalada iyo nabad galyadu waa doonitaanka mideeya dhamaan aadamaha aduunka ku nool. Intii taariikhda bini aadamku jirtayna, waxa la raadinayay oo kaliya cadaalad iyo nabad galyo.
Laga bilaabona magaca (muslim) ee ka yimid kalmada carabiga ah ee (salam) oo macneheedu yahay nabad, islaamku waxa uu inagu amrayaa in aynu cadaalada ka shaqayno dhamaan dhinacyada kala duwan ee nolosha, siyaasad, ganacsi, bulsho, iyo dhaqaaleba. Oo waliba laga soo bilaabo qoyska muslimka ah, sababtoo ah waa unuggii bulshada. Taariikhda islaamka ee gaadhaysa 14 Qarni, dhamaan dawladihii ka bilaabmay dhulka dadka muslimka ah degan yihiin ee Africa, Asia, Europe iyo Bariga dhexe ba waxa ay ka bilaabi jireen shaqadooda xoojinta cadaalada iyo nabad galyada.
Hase ahaate, manta magaalooyinkii islaamka ee laga rabay inay noqdaan astaanta nabad galyada iyo sinaanta, waxa ay noqdeen qaar laga caydhiyay labadaa wanaag. Ka bilaw Suriya iyo Ciraaq, Africada dhexe ilaa Libya, Falastiin ilaa Yemen, malaayiinta walaaladeena islaamka ahi waxa ay u halgamayaan inay noolaadaan, waxa ay rajaynayaan nabad gelyo iyo in ay soo noqoto karaamadii bini aadamnimo, waxa ka daran magaalooyinkii caanka ahaa ee taariikhda islaamku ku suntanayd ee lahaa masaajidada iyo maktabadaha caanka ah, in la duminayo maalin kasta oo ururada argagaxisada ahi ee aan islaamka meelnaba ka soo galine sidaa ku samaynayaan.
Caalamka Islaamiga ahi manta waxa uu ku jiraa dhibaatadii ugu waynayd ee soo marta laga bilaabo dagaalkii koobaad ee dunida, dawlado badan ayaa loo diidsan yahay nabad galyo iyo amni, oo ay ka socdaan dagaalo sokeeye iyo dawladnimo fashilantay.
Dhibaatooyinkaasi waxa ay qirinqiir galiyeen wada noolaanshihii iyo deganaantii waligeed jirtay, waxaanay halis galiyeen nabad galyada aduunka, sida aad aragtaan suuriya waxa manta halkaa gaadhsiiyay gacanta shisheeye ee soo fara galisay, oo aan ka war hayn baahiyaha bulshadan dhibaataysan haysta iyo taariikhda ay mandaqadu leedahay, waxaanay isticmaaleen hub adduunka laga xaarantimeeyay, waxay ay rabaana waa danahooda gaarka ah, taasoo gaadhsiiyay xalkii inuu ku dhaco god madaw.
Intaa waxa dheer, in isku dirka mad-habyada kala duwan ee diinta islaamku sababay kala qaybsanaan xoogan oo muslinka ka dhexeeya, midna ogsoonaada Yurub waxa ay dawaysay kala qaybsanaanta qarnigii 17aad, halka uu Islaamku maanta u xidh xidhanyahay kala qaybsanaantaas, waa arrin u baahan inaynu si gaar ah uga wada hadalno, waa la isku keen dirayaa, sababtuna maaha arrin diimeed ee waa qorshe siyaasadeed oo la soo maleegay, iyadoo la adeegsanayo danaha gaarka ah ee aragtida dhow ku dhisan, dadka ka faaiidaysanayaa nacaybkaas iyo isku dirkaasina ku salaysan qabyaalada iyo diinta, ee isku diraya dad waligood wada noolaa oo aan xagtin is gaadhsiin, waa dawladaha iyo ururada shisheeye ee islaamka nacaybka xoogan u haya waligoodna necbaa horumarkiisa.
Dhalinyaradii qalbigooda buuxiyay nacaybkaasina, waxa ay daba ordayaan aragtiyo fal celineed oo ku dhisan mad-habaysi iyo qabiil, waxaana ka faaiidaystay ururada argagixisada ah sida Daacish iyo Alqaacida, dawladaha islaamka ahina maaha inay gacmaha laabtaan iyagoo arkaya waxa socda.
Argagixisnimadu kumay koobnaan dawlado iyo gobolo, waxa ay noqotay mid aduunkoo dhan saamaysa, dhamaanteen dadka muslimka ahi dhibaato ayuu ku qabaa meel kastaba ha joogaane.
Haba ku kala duwanaadan argagixisadu magacyada iyo aragtiyaha, laakiin dhamaantood waxa ay wadaagaan hadaf kaliya, oo ah burburinta mustaqbalka iyo xaadirka ummadda muslimka ah, waxaanay kor u qaadayaan cunsuriyada iyo nacaybka dadka ajaanibka ah, taasoo sababaysa in islaamka la naco, la caayo, inyar oo ka mida dadka islaamka ahina kacaan, oo ay fal celiyaan, taasina waxay sababtay in magaalooyin badan oo yurub ku yaal, dab la qabadsiiyo masaajidadooda iyo guryohooda, laga soo eryo halkay ka shaqaynayaan iyo meelaha ay dadku isugu yimaadaan.
Haddii aanu nahay dawlad la soo dagaalantay argagixisada 30 kii sanadood, 40,000 oo dadkeena ahina ay ku dhinteen, waxa aanu garanaynaa wax aka dambeeya argagixisada iyo burburka ay ummadaha gaadhsiiyaan, waxaa aanu isku dayaynaa anagoo dadaalaynaa in aanu adduunka ka dhaadhicino in la gaadho mawqif midaysan oo arrinkaa lagaga hortagi karo.
Maaha inaynu kala saarno ururada argagixisada ah, qaarkoodna u bixino argagixisada fiican qaarna kuwa xun, oo aanu hub isugu dhiibno, taasi argagixisnimada ayuunbay xoojinaysa, midka kaliya ee ay kaga hortagi karno argagixisnimadu waa inaynu gacmaha is qabsanaa oo aynu si isku mid ah uga hortagnaa.
Haddii aynu nahay dad muslimiin ah, waa inaynu codkeena kor u qadnaa, si aynu uga hor tagno dulmiga noocyadiisa kala duwan, inagoo aan u eegahayn cidda samaysay iyo sida uu u sameeyay, waa inaynu garab istaagnaa dhamaan dadka ku waxyeeloobay, sidaa aawadeedna dalka Turkigu waxa uu albaabadiisa u furay dadka walaalahood ee qaxoontiga ah eek a soo baxsaday dalalka dagaaladu ka socdaan ee islaamka ah sida Syria iyo Ciraaq, iskamaanaan indha tirin, oo intii karaankayaga ah waanu caawinay, maantana 3 milyan in ka badan ayaa ku nool dalka Turkiga oo marti noah, waanu sii wadaynaa caawimada aanu fulinaynu inta ay dagaaladaasi istaagayaan nabadgalyona lagu noolaan doono.
Usbuucan aynu ku jirno waxa Istanbul marti galinaysa shirka dawladaha islaamka ee 13aad, in ka badan 50 sano oo uu dhisnaa ururkanina, awoodaha ay fulinayaan xubnaha ururkani, waxa uu noqday meel lagaga tashado arrimaha khsueeya dawladaha islaamka ah, halkaasoo lagu gaadho go’aamo aad iyo aad wax tar u leh oo saamaynaya dawladaha islaamka ah, waxa ugu wayn oo mar kasta in laga war hayo mudan arrinka Falastiin iyo Qudus, taasoo ahayd sababtii ugu horaysay ee loo asaasay ururkan.
Waxaan marlabaad aan idinku boorinayaa inaynaan u kulmin sidii Shiico iyo Sunne, African iyo Asian, Bari iyo Galbeed, Madaw iyo Cadaan, Qani iyo Fiqiir, hase yeeshee aynu u kulano sidii dad madax ah oo dadkooda matalaya, dadka islaamka ah ee gaadhaya 7.1 Bilyan sidoo kale masuul ka noqda iyo dhamaan dadka adduunka ku nool. Waxaynu u kulmaynaa inagoo ogsoon in bini aadamku yahay makhluuqaad k aka ugu karaamada badan, oo ay tahay inu u noolaado si karaamo leh, haddii aynu doonayno in dawladuhuna si karaamo leh u jiraan. Inagoo og inaynu xambaarsanahay hammiga ummadaha aynu ka soo jeedno wakhti aynu ku jirno xaalad adag, inagoo ogsoon inay tahay inaynu isku soo dhawaano, mid noqono, is jeclaano, iyadoo ay tahay inaynu arrimaha ummadda ka horaysiino danaheena gaar ka ah, si aynu sawir wax ku ool ah ugu dhigno qarniga 21 aad, maaha kaliya inaynu noqono quwad ilaalineed, lkn quwad sidoo kale wax dhisi karta horumarkana ka shaqaynaysa, waana arrin muhiimad wayn ugu fadhiya shacbiga islaamka ah.
Agendaha la magac bixi doona IIT-2025, waa ka aynu higsan doono 10 ka sano ee soo socda, hadduu alle idmo, waxa ay noqonaysaa mid aanu ka shaqayno inta uu dalka Turkigu madax ka yahay ururka dawladaha islaamka ah.
Aad iyo aad ayay u mahadsanyihiin dhamaan madaxda shirkan ka soo qayb gashay, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu noqdo shirkani mid adduun waynaha oo dhan wax u tara.
Xigasho: www.huffpostarabi.com
Waxa turjumay: Eng Maxamed Cumar (Mo Qaro)