|

Manhajka Cusub ee Ay Dajisay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland (Falanqeyn)

Waxaanu su’aashaasi  iyo kuwo kale waydiinay Macalin Sadaam Xuseen Carab oo Jaamacadaha Dalka wax ka dhiga.

Hargaysa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xukuummada Somaliland ayaa dhawaan Sameysay Manhajka Cusub oo lagu dhigi Doono Dusgiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee Somaliland.

 

Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Somaliland ayaa Muddo Dheer kadib soo bandhigtay, dib u habeyn lagu sameeyay guud ahaan Manhajkii Waxbarashada Kaasi oo markii  ahaa Manhajkii Dawladii Hore iyo Mid lagu Soo daabici jiray Kenya.

 

Wasiirka Waxbarashada Cabdilaahi Dheere, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas Bare sare Cabdi Cali, Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka iyo Agaasimaha Qaybta Manaahijta Somaliland ayaa soo bandhigay Manhajka Cusub ee ay daabacday Wasaarada Waxbarashada Somaliland, waxaana ay masuuliyiintaasi sheegeen in dajinta Manhajkani ay Muhiimada wayn u leedahay dhamaan Waxbarashada Dugsiyada ee Somaliland.

 

“Ardeydeena Dugsiga Sare bug may haysan, taasina waxay keentay inaanu ardaygu garan buug uu qaato ma yaqaan, Manhajkii inuu gudbayna lama garanayn, markaa weelkii Manhajku waa Buugaagtan lasoo daabacay”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee wasaarada Waxbarashadu maalintii lasoo bandhigayay Manhajka.

 

Sameynta Manhaj Waxbarashada Somaliland waa horumar u soo hoyday Somaliland balse waxaan Su’aal ka waydiinay Manhajkani wuxuu kaga Duwan yahay kii Hore iyo Faa’idadiisa Sadaam Carab Xuseen oo Macalin ka ah Jaamacadaha Dalka.

 

“Manhajkii markii hore la dhigan jiray waxaa uu ahaa waxaynaan innagu lahayn oo aan baahideena ka iman oo cid kale sameynaysay, Laakiin markii Manhajku noqday waxaad adigu leedahay oo macalimiintaadii sameeyeen  oo inoo fiican, halka uu kii hore ka ahaa mid aan baahideena daboolayn”ayuu yidhi Sadaam Carab oo ka jawaabay Su’aal Radio Koor ka Waydiisay Farqiga u dhaxeeya Manhajka Cusub ee ay dajisay Wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo manhajkii hore ee loo dhigi jiray Ardeyda.

 

Waxaa kale oo aanu macalin Sadaam Waydiinay Isbadalka uu keeno karo Manhajkan Cusub ee ay dajisay Wasaarada Waxbarashada Somaliland waxaanu ku jawaabay “Mar Haddii aynu Manhajka innagu qoranay wuxuu ka waramayaa Dalkii, wuxuu ka waramayaa Khayraadkii, Taariikhdii dalka, wuxuu ka waramayaa Dhaqanka Bulshadeena markaa way kala duwan tahay marka qof loo dhigo dhaqano, cilmi iyo Taariikho dad kale. Manhajkani waxaa uu soo kordhinayaa inuu waddaniyad ku abuuro dadkii, inuu abuuri karo in qof waddankiisa ka faa’ideysto, inu yareeyo dhibaatada Tahriibta marka uu qofku barto dhaqankiisa inay hakin karto, Waayo? Qofku wuxuu eegayaa shaqo abuurkii iyo nimcadii kale ee dalka taalay dabadeedna uu iska joogo”

 

sadaam25kii sano ee ay Somaliland jirtay waa markii u horeysay ee Manhajka waxbarashada Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare lagu Daabaco gudaha Somaliland, Waxaana la filayaa in manhajkan cusub wax wayn ka tari doono tayada Waxbarashada Ardeyda Dugsiyada Somaliland oo markii hore dhigan jiray Casharo kala duwan.

Comments are closed