Mali: Dadweynaha oo dibad-baxyo ku taageeray afgambiga Milaterigu ku dhaqaaqay iyo Madaxweynaha xukunka laga tuuray oo hadlay
Bamako 29, March 2012 (Qurbejoog.com)- Kumanaan dadweyne ah, ayaa dabaal-deg ku maray jidadka caasimadda dalka Maali, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan afgambiga Milateri ee todobaadkii hore ka dhacay dalkaas.
Dadweyne kumanaan ah oo u dabaal-deg isugu soo baxay jidadka caasimadda dalkaas ee Bamako, waxay taageereen talaabadii Milateriga dalkoodu ku afgambiyeen xukuumaddii Madaxweyne Amadou Tournani Toure iyo samaynta Distoor cusub oo dalku yeesho.
Dhinaca kale, urur-gobolleedka Galbeedka Afrika oo magaciisa loo soo gaabiyo ECOWAS, waxa uu xubinimadii ururkaas ka saaray dalka Mali, taasoo uu sabab uga dhigay talaabada uu Milaterigu qaaday. Sidoo kale, ECOWAS waxa uu shan Madaxweyne oo gobolka ah u diray Maali, si ay uga shaqeeyaan kala-dambaynta qaanuuniga ah ee dalkaas, todobaad uun ka dib markii Milaterigu eryeen hoggaamiyihii sida Dimoqraadiga ah loo soo doortay ee dalkaas Mr. Amadou Toure.
Urur-gobolleedka Qaramada Afrikada Galbeed ku midoobeen ee ECOWAS, waxa uu sheegay inuu heegan ka dhigayo ciidan nabad-ilaalineed oo ay u diraan Mali, haddii loo baahdo.
Waxa jira taageero saraysa oo loo qabo talaabada Milaterigu qaaday ee inqilaabka ah.
Dhinaca kale, Madaxweynaha xukunka laga tuuray Amadou Tournani Toure, waxa uu suxufiyiinta u sheegay inuu weli ku sugan yahay dalkiisa Mali.
Waxa uu sheegay inuu si xor ah u joogo meel aan la magacaabin oo dalkiisa ah, isla markaana waxa ugu muhiimsan ee loo baahan yahay aanay ahayn in mansabka uu hayay lagu soo celiyo, balse uu aaminsan yahay in muhiimadu tahay dimoqraadiyada uu ku yimi, dhismaha wadanka iyo jiritaanka wadankiisa.
Qurbejoog.com, Bamako
editor@somalidiasporanews.com