|

Maleeshiyo Dhawaan Dilal Ka Geysatay Deegaanka Guumays Oo La Sheegayo In Gacanta Lagu Dhigay

Guumays:Jully,05,2015(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya deegaanka Guumays ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in koox dablay hubaysan ahayd oo dhawaan Halkaas  saddex qof oo isku beel ah dil ugu geysatay haatan gacanta lagu soo dhigay.

guumWarka qabashada Dablaydaas waxa shaaca ka qaaday Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Aagga Laascaanood Md Mambaashe, waxana uu tilmaamay inay raggaas oo qabteen.

Taliye  Cambaashe,  ayaa  wararku  tilmaameen inuu sheegay  in dablaydan  falka gaysteen  ay ka tirsanaayeen  guutada ciidankiisa islamarkaana gacanta   ku dhigeen,  oo uu hayo kuwaasoo  lagu wareejin doono dawlada.

Waxaana   hadalkan la soo gaadhsiiyay  odayaasha degaankii ay ka soo jeedeen  dadka la dilay.

hadalkan ayaa ku soo beegmay wakhti  degaankaasi falku ka dhacay ka jirto xiisad colaadeed,sidoo kale, wasiiro ka tirsan xukuumada ayaa la sheegay inay  ku sii jeedaan degaanka  dilku ka dhacay ,si ay  dajiyaan   xiisada.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed