|

Maleeshiyaad Cali Khaliif Uga Dhaartay Buuhoodle Oo Caddeeyay Cidda Ka Dambaysa, Awooddooda,Fariin ay u Direen Wasiir Xaglo Toosiye & Wararkii U Dambeeyay DAAWO

Buuhoodle 27. February 2017 (SDN/QJ):- Maleeshiyaadkii bishan Horraanteedii Cali Khaliif Galaydh ka hor Joogsaday inuu Magaaladda Buuhoodle ka Dhoofo ayaa markii ugu horeysay Caddeeyay Cidda ay u shaqeeyaan ee ay Mushaharka siisa, waxayna mar kale ku celiyeen inaanu Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan Degmada Widh-Widh aanu soo geli karin Buuhoodle.

Kooxdan ayaa sheegtay inay ka soo horjeedaan Wada-hadallada u socda Dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee uu Hoggaamiyo Cali Khaliif, sidaa darteedna aanay Cali Khaliif iyo Xubnihii ka qayb-galay Wada-hadalladii ka dhacay Jabuuti, Addis Ababa iyo Magaalada Caynaba aanay soo geli karin Magaalada Buuhoodle.

Taliyaha Maleeshiyaadka taabacsan Puntland isla-markaana diiddan inay Cali Khaliif Galaydh iyo Kooxdiisu dib ugu noqdaan Buuhoodle, oo Shalay u warramay Weriye Khadar Macalin Deeq oo ka tirsanTelefiishanka Somali News, ayaa mar kale ku celiyey in aanu Cali Khaliif iyo Kooxdiisu soo gelin karin Buuhoodle, waxaanu yidhi, “Cali Khaliif Galaydh ma soo geli karo Buuhoodle, isagoo keliyana maaha ee waa Cali iyo Kooxdiisa, sida kuwii Caynaba tagay, kuwii Jabuuti tagay, kuwii Addis Ababa tagay, hadafka ay Xambaarsan yihiin ee aanu diiddanahayna waa ka Somaliland.”

Mr. Baydan oo la waydiiyey in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) soo geli karo Buuhoodle, ayaa ku jawaabay, “Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) wax uu kaga duwan yahay Cali Khaliif baa jirta oo kuma ganacsana inuu Buuhoodle Cid kale Gacanta u geliyo, laakiin Annagu waanu diiddan nahay Hadafka Somaliland Cid kasta oo wadataba.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey Awoodda Ciidanka uu hoggaamiyo, “Ciidankayagu waa Ciidan laxaad leh oo Qalabkiisu u dhamaystiran yahay, waxay haystaan Hubkii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre uga dhacday iyo waxay mar dambe Dadku iibsadeen.”

Mr. Baydan oo la waydiiyey Cidda taageerta Maleeshiyaadka uu Hoggaamiyo ee ay u adeegayaan, ayaa yidhi, “Ciidankayagu wuxuu Mushaharka ka qaataa Puntland, laakiin marka uu Cadow ku soo waajahan yahay Buuhoodle waxaanu ku shaqeynaa Ciidanka Difaaca Buuhoodle, markaa siyaasadda Puntland waa lagu khasban yahay.”

Hadalka Ninkan ayaa ku soo beegmaya Xilli uu Cali Khaliif Galaydh iyo xubno kooxdiisa ka mid ah oo Wada-hadallo ku dhex mareen Jabuuti Wefti ka socday Dawladda Somaliland ay ku sugan yihiin Degmada Widh-Widh, ka dib markii Maleeshiyaadka Buuhoodle haysta ee Puntland taageeraa diideen inuu Buuhoodle tago.

Buuhoodle, ayaa waa xarunta guud ee Kooxda la baxday Khaatumo ee uu Hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh.

Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa deegaanno aan ka fogeyn Buuhoodle ku leh Fadhiisimo, laakiin sida la sheegay Xukuumadda ayaa Cali Khaliif Galaydh ku qancisay inaanu Awood wax ku raadin ee uu Waddo nabadeed u maro sidii uu ugu laaban lahaa Buuhoodle.

Comments are closed