Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta Taagan Buurta Carafo,Dareenka Xujayda Somaliland DAAWO
Maka23.Sep 2015 (SDN/QJ)- Malaayiin Muslimiin ah, ayaa maanta u taagan buurta Carafo, iyagoo gudanaya waajibaadkooda xajka ee sanadlaha ah.
Saaka ayaa waxaa Buurta Carrafo u dareeray Xujayda oo caalamka dacaladiisa ka kala yimid,Waxayna Maanta Xujaydani u dhabar adaygeen Kulaylka iyo Cadcadeeda Buurta Carafa iyagoo eebbe denbi dhaaf ka dalbanaya, Waxaana lagu wadaa inay markaas kadib u Jihaystaan Musdalifa, halkaasoo ay ka sii wadan doonaan gudashada waajibaadka Xajka.
Sidoo kale, Berri oo ah Maalinta Ciidul-Adxa ayaa waxay xujeydu gowraci doonaan xoolo, iyadoo dunida inteeda kalena laga ciidi doono ciidda Kowaad ee ugu weyn ciidaha Islaamka.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C.laahi Axmed ayaa Hogaaminaya Xujayda Reer Somaliland ee sannadkan soo Gudanaysa Waajibaadka Xajka,Kuwaas oo uu sheegay inay nabadqab ku Cibaadaysanayaan.
Dowladda Sacuudiga, ayaa ku dadaashay inay yareyso saxmadda gawaadhidii faraha badneyd ee looga bartay xilliyada Xajka, iyadoo hadda ay Xujeydu u shaqeynayaan gawaadhi waaweyn oo dowladda ugu tala gashay.
Gudashada Waajibaadka xajka ka mid ah shanta tiir ee Islaamku ku dhisan yahay, iyadoo Qof walba oo Muslim ah laga doonayo inta uu nool yahay inuu hal mar soo guto Xajka, haddii uu awoodi karo.