Malaayiin Dollar oo si Xeeladaysan looga dhacay Garoonka Diyaaradaha Koonfur Africa ee OR Tambo DAAWO
Johannesburg 09. March 2017 (SDN/QJ):- Kooxo burcad ah oo kusoo labistay dareeska ciidanka booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa si xeeladeesan waxa ay malaayiin Dollar uga dhaceen garoonka Diyaaradaha Caalamiga OR Tambo ee magaalada Johannesburg.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda burcada ay gudaha u galeen garoonka diyaaradaha Or Tambo , waxaana burcada la sheegay in ay kunteenar yaalay gudaha garoonka ay ka qaateen lacag aad u badan .
Lacagta laga xaday garoonka Diyaaradaha magaalada Johannesburg ayaa lagu qiyaasay malaayiin dollar oo laga leeyahy dalal kala duwan, waxaana hada socda baaritaano lagu baadi goobayo burcadii dhacaasi ka dambeysay.
Shirkadda maamusho garoonka OR Tambo, oo ah garoonka ugu mashquulka badan Koonfur Afrika, ayaa xaqiijiysay in la dhacay lacag badan, waxa ayna shirkadu sheegtay in burcad dharka booliiskja soo xirtay si xeeladeesan ku dhaceen iyaga oon wax xabad ah ridin.
Afhayeen u hadashay booliiska, oo lagu magacaabo Athlenda Mathe, oo la hadashay idaacada ENCA ayaa sheegtay in aysan wax faahfaahin ka bixin Karin inta ay dhan tahay lagagaha la dhacay, waxa ayna sheegtay in ay socdaan baaritaano.
Garoonka Diyaaradaha Or Tambo oo ah garoonka ugu mashquulka badan dalka Koonfur Afrika ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo kordhayay dhaca loo geesto alaabaha qaaliga ah ee garoonka laga dhoofinayo ama laga soo dejinayo.