Maktabada Masaarida ee Hargeysa oo Buugaag loogu deeqay
Hargeysa Mar 29,2012(SDN)-Maktabada masaarida ee ku taala caasimada hargeysa ayaa maanta waxaa soo gaadhey todoba kun oo buug oo qayb ka ah Buugaagta lagu furaayo maktabadaasi.
Waxaa buugaagtaasi soo gaadhsiiyey madaxa maktabadaasi Muxsiin Rabiic Maxamed waxaanu sheegey in Maktabadan ay mudooyinlkii uu danbeeyey ka wadeen hawlo dayactir iyo dib u hagaajin ah isla markaana ay maanta uu suurta gashey iney soo gaadho hormadii kowaad ee buugaata lagu furi lahaa maktabadaasi.
Muxsin Rabiic Maxamed waxa uu intaas ku daray in Maktabadan oo xidhnayd intii Somaliland ay madax banaanideeda la soo noqotay ay ku rajo weyn yihiin inay wax ka tarto Xidhiidhka labada Wadan.
SDN-Hargeysa