Makka Oo Noqotay Magaalada Ugu Badan Dalka Sucuudiga Ee Ay Isku Guursadaan Ragga Ajaanibka Iyo Haweenka Sucuudiga Ahi !
Makka 11. July 2017 (SDN/QJ):- Dadka Ajaanibka ah ee ku dhaqan Dalka Sucuudiga ayaan had iyo jeer ku dhiiran inay guursadaan Haweenka u dhashay Dalka Sucuudiga, taasi oo ay sabab u tahay arrimo dhawr ah oo ay ugu horreyso Xaaladda dhaqaale, haddaba iyada oo ay arrintaasi jirto ayaa waxay Wasaaradda Caddaaladda ee Dalks Sucuudigu shaacisay xog dhab oo cadaynaysa in Tirada Ragga Ajaaniibta ah ee guursaday Haweenka u dhashay Sucuudigu ay kor u kacday isla markaana Magaalada Barakaysan ee Makka ay noqotay Magaalada ugu badan ee ay isku guursadeen Ragga Ajaanibka ah iyo Haweenka Sucuudiyaanka ahi.
Dalka Sucuudiga ayaa muddooyinkan dambe aad ugu badan xaaladaha Furniinka, sidoo kalena waxay shaacisay wasaaradda Caddaaladda Sucuudigu in sanadkan Xaaladaha guurka cusubi ay u badan yihiin xaaladaha Furniinka waxaanay sheegeen in 33% xaaladaha guurku ay kor u kaceen, isla markaana sanadihii u dambeeyay gaar ahaana sanadkani uu noqday sanad Guurka ay ka bateen furniinka Qoysasku.