Mahiiga oo kolkuu bahdilay siyaasiyiinta Soomaalida haatan bilaabay bahdilaada Madaxdhaqameedka Soomaalida
Muqdisho Aug 16,2012(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan dalka Soomaaliya Augustiin Mahiga ayaa maanta kulan uu la qaatay madax dhaqameedka Soomaalida ee Muqdisho ugu sugun soo xulida Baarlamaanka cusub ku canaantay dib u dhaca ku yimi soo xulida Xildhibaanada Soomaaliya.
Bishan 20keeda ayaa lagu wadaa in Muqdisho lagu qabto doorasho lagu soo xulayo madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.
Mahiiga oo hore u bah dilay siyaasiyiinta dalka ayaa u muuqda in uu haatan uga gudbay bahdilaada madax dhaqameedka dalka.
Mahiiga ayaa sida laga soo xigtay madaxdhaqmada mid ka mida oo kulan ka qeybgalay ergeygu waxa uu canaan dusha u saaray madax dhaqameedka kulanka ka qeybgalay.
Mahiiga ayaa ku amray odey dhaqameedka in bisha 20keeda ka hor ay soo dhameystiraan xulida xildhibaanada
Mahiga ayaaney aheyn in uu canaanto madaxda dalka wixii soo jeedin ahna ay tahay in uu u gudbiyo hab xushmadi ay ku dheehan tahay.
Balse Soomaalidii ayaa beryahan danbe eebe iyaga uun istusay oo isku mashquulsan,sidaa darteedna aanba u fiirsaneyn hab dhaqanka shisheeyaha dhex muquuranaya.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com