Mahiga:Qaramada Midoobey waxaay Shirka Odey-dhaqameedyada u soo Direysaa Wefdi Caalemi ah
Muqdisho June 15,2012(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan dalka Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay in shirka Soomaalida ee lagu qabanayo dalka dhawaan ay ka qeyb-gelidoonaan ergo caalemi ah.
Shirkan Muqdisho ee dhawaanta dhacaya ayaa waxa ka qeybqaadan doona Odeydhaqameedka Soomaalida oo soo xulidoona Baarlamaanka dalka.
Mahiga oo wareysi siiyay Iddaacada Shabeele ee magaalada Muqdisho ayaa meesha ka saaray in madaxda dawladu abaabulayaan shirarka.
“Soomaalida waxaan ugu baaqayaa in ay ka faaiideystaan fursadan qaaliga ah,wadahadalna ha ku dhameeyaan doodahooda mudadan gaaban ee dalka looga saarayo xiliga kala guurka ah”ayuu yidhi Mahiga.
135 ka mida madaxdhaqameedyada Soomaalida ayaa lagu wadaa in ay soo xulaan 825 xubnood ka mid noqonaya Baarlamaanka dalka.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com