Mahiga oo Xukuumada Somaliland ku dhiiri geliyay in aaney wadahadal la yeelan Soomaaliya
Hargeysa April 21,2012(SDN)-Ergeyga gaadhka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa booqasho aan hore loo shaacin isla markaana waxa ay daaran tahay aan la sheegin uu ku joogaa magaalada Hargeysa.
Augustine Mahiga ayaan ku qanacsaneyn markiisii horeba qorsheyaasha lagu nabadeynayo Soomaaliya ee ay wadaan dalalka reer Yurub,sida qodobkii 6aad ee ka soo baxay shirkii London oo dhigayay in Soomaalida loo wada hadal siiyo Soomaaliya iyo Somaliland.
Xukuumada Somaliland oo hore ugu dhawaaqday wadahadal ay la galeyso DFKMG ah balse qoonsatay xubno Sheekh Shariif u magacaabay guddida wadahadalada.
Augustine Mahiga oo haatan xarun ka sameystay Muqdisho ayaa madaxda Somaliland ku dhiiri gelinaya in aaney ka noqon goaankooda ku wejahan wadahadalada.
Si kastaba ha ahaatee Xukuumada Somaliland ayaa si weyn u xiiseyneysa wadahadal ay la yeelato Sheekh Shariif iyo dawladiisa.
SDN-Hargeysa