Mahiga Oo Horumar ku sheegay Qaraxyada iyo Weerrarada Qorshaysan ee Shabaabku ka Fuliyaan Muqdisho
Muqdisho:May,29,2014(SDN/QJ)-Ergaygii hore ee Qaramada midoobay u qaabilsanaa Arimaha Somalia Augustine Mahiga oo booqasho ku jooga Muqdisho ayaa Qiray inay dalka ka dhaceen isbeddelo la taaban karaa.
Mr Mahiga ayaa ugu horrayn sheegay in ujeeddadiisu tahay sidii uu u arki lahaa waxa iska bedelay nidaamkii iyo habkii horumar ee Somalia, maadaama uu muddo sanad ah ka maqnaa Somalia.
Waxa uu intaas kusii daray in uu aad ugu faraxsan yahay isbadalo kala duwan oo dhinaca Hormarka ah oo uu sheegay in xiligan uu ka arkay Muqdisho.
“Waxaan la kulmay R/wasaare C/weli oo runti aan aad u bogaadiyay waxaana kala hadlay Arimo badan oo ku aadan sii xoojinta markan” ayuu yidhi Mahiga.
Mahiga si gaar ah uma uu xusn waxa ay yihiin isbeddelada muuqda ee al gaadhay, waxase loo qaatay inuu u jeedo in isbedelladu ay yihiin qaraxyada iyo dagaalada qorshaysan ee Kooxda Alshabaab ay ku hayso shacabka iyo madaxda ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Mahiga ayaa muddo badan soo ahaa U qaybsamaha qaramada midoobay ee Arrimaha Somalia, waxana intii uu joogay uu markhaati ka ahaa horumar ay ku talaabsadeen dawaladihii kala dambeeyey ee Somalia iyo waliba Murano siyaasadeed oo hadheeyey madaxdii hoggaanka somalida haysay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com