|

Magacyada Shaqsiyaadka iyo ururada ku guulaystay Abaal-marimaha Mahrejaankii ka socday Hargeysa (Daawo Sawirada)

Hargeysa 01, March 2012 (Qurbejoog.com)- Tartan ku saabsanaa filimada, sawir-gacmeedyada, gabayada iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Hargeysa, ayaa maanta la soo gebogabeeyay.

Tartankaas oo ay soo qabanqaabisay shirkada Kow Media Corporation, isla markaana ay maalgelisay hay’adda caalamiga ah ee IREX Europe, waxa xidhitaankiisii ka qaybgalay guddoomiyaha golaha Wakiilada, wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Maayarka caasimadda Hargeysa, wasiir kuxigeenka Hawlaha guud iyo martisharaf tiro badan.

Ugu horayn, Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo hadal ka jeediyay munaasibaddaas, waxa uu u mahadceliyay dhinacyada iska kaashaday qabashada tartankaas oo ku saabsanaa filimada, sawir-gacmeedyada, gabayada iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee dhinaca nabadda iyo horumarka, wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qabashada tartankaas.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu si wayn u amaanay shirkadda KMC. “Waan ka xumahay in furitaankii tartanka aanan ka qaybgalin, laakiin waan ku faraxsanahay inaan xidhitaankiisii ka qaybgalo,” ayuu yidhi guddoomiyaha golaha Wakiilada, ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka cusub ee Wadani.

Ugu dambayn, guddoomiyuhu waxa uu halkaas abaal-marino kala duwan ku gudoonsiiyay 14 qof oo u tartamayay qaybaha kala duwan ee tartankaasi ku saabsanaa iyo saddex urur, kuwaasoo la siiyay abaal-marino lacageed, jaa’isado iy shahaadooyin ka qaybgalistooda tartankaas muujiyanaya.

A-Magacyada guulaysteyaasha sawir-gacmeedyada tooska ah ku tartamayay:

1-Aamiin Arts

2-Hanad Arts

3-Axmed Maxamed Cabdullaahi

B-Guulaysteyaasha Sawirada hore loo soo gudbiyay:

1-Saabir Axmed

2-Axmed Xasan Faarah

3-Ahmed Design Photo College

C-Guuleyteyaasha ciyaaraha Dhaqanka:

1-SOCSA

2-Dhaqan-soor

3-Unugga Waddaniyada Somaliland

D-Guulaysteyaasha Gabayada:

1-Cumar Axmed Cali

2-Cabdi Maxamed Cusmaan

3-Axmed Maxamed Faarah (Badeed)

E-Guulaysteyaasha Filimada:

1-Maxamed Xasan Xaashi oo soo gudbiyay filim ku saabsan Darbi-jiifka

2-Soo gudbiye Dubai jooga (filimka Daalnayeeyay)

3-Mustafe Siciid (Filimka Euro of Hope)

F-Guulaysteyaasha waxay soo gudbiyeen dadku xushay:

1-Saabir Axmed, Artist

2-Mustafe Siciid, Euro of Hope film.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed