|

Magacyada Shan Soomaali ah Oo Lagu Xidhay Dalka Namibia iyo Sababta Eeddooda

Windhoek:07-Dec-2013(SDN)-Shan Qof oo Soomaali ah ayaa maalintii Arbaciid ee Toddobaadkii ina Dhaafay lagu xidhay Dalka Naamibia.

xadhigaSoomaalidana ayaa lagu eedeeyey inay sharcidarro waddankaas ku galeen, waxana loo dhaadhiciyey jeelasha waaweyn ee dalkaasi ku yaalla.

generic for clomid

Shanta ruux ee Soomaalida ee lagu xidhay dalka Namibia ayaa waxay kala yihiin Yuusuf Huni, Aadan Ismaaciil Xersi, Maxamed Cumar Bashiir,  Cabdirisaaq Cali Cismaan iyo Maxamed Cabdi Isaaq kuwaasi oo la sheegay in lagu qabtay bannaanka deegaanka Keetmanshoop.

 

 

Kennedy Sikokwani  oo ah taliyaha ciidamada booliska ee Keetmanshoop ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in shanka ruux ee Somalida ah looga shakiyay inay ka galeen dalkaasi deegaanka Noordoewer oo ku yaala xuduuda dhanka koofureed oo 300 KM u jirta.

Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan dalka Namibia inay kala shaqeeyaan sugida dhanka amaanka, waxaana uu sheegay inay adkeeynayaan amaanka dhanka xuduudaha , sida uu sheegay.

 

Soomaalida ayaa sanadihii ugu dambeeyey iska noqday dad meel walba galay oo xadhig iyo dil badan loogu geysto meelo kala duwan oo qaaradaha dunida ka mid ah, walina ma jirto cid  xukuumadda ka tirsan oo ka hadashay Xadhiga loo geystay dadkaas soomaaliyeed iyo soo dayntooda.

 

 

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed