|

Magacyada Shan Nin Oo Kenyan ah Oo Ku Xidhan Xabsiyada Kismayo iyo Sababaha Xadhooda Oo Xogo Laga Helay

Kismayo:June,04,2015(SDN/QJ)-Sida ay qoreen Warbaahinta waddanka Kenay, waxa Magaalada Kismayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose ku xidhan Shan nin oo kenyan ah, kuwaas oo muddo halkaas ku jirey.

ishaaWargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray warkaan ku saabsan in shan muwaadin oo u dhashay dalka Kenya ay ku xidhan yihiin Magaalada Kismaayo, kadib markii dabley ay soo afduubteen raggan.

Shanta nin ayaa lasoo afduubtay 11-kii Bishii October ee sanadkii la soo dhaafay dabley soo duubatay ayaa dhulka kaynta ah ee Boni ka afduubatay xilli markaa ay ku sii jeedeen deegaanka Kiunga oo Lamu ka tirsan.

Dableyda hubaysan ayaa raggan markii ay hayeen labo isbuuc ay sii daayeen, waxaana markii hore ay lasoo aadeen gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo Wargeyska uu tabinaayo in lasii daayay raggan.

Markii la sii daayay shantan nin ayaa waxa ay aadeen dhanka Magaalada Kismaayo oo ah xarunta Maamulka Jubbaland, waxaana halkaasi ku xidhay ciidamada Maamulka Jubbaland oo amar ka haysta ciidanka difaaca dalka Kenya ee loo yaqaan KDF.

Mid ka mid ah ragga xidhan oo Taleefoonka ugu waramay Wargeyska The Standard ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Jubbaland ay xidheen, ilaa iminkana ay xabsiga ku jiraan, isaga oo sheegay inaanay haysan cunto fiican oo ay cunaan iyo sidoo kale daryeel caafimaad intaba.

Ninka Wargeyska u waramay ayaa magaciisa waxaa la dhahaa Anwar Abdi, wuxuuna intaasi raaciyay in ehelkooda ay isku dayeen  in Hogaamiyaha Maamulka Jubba ay kala xaajoodaan siideysmada raggan, balse Axmed Madoobe uu sheegay in amuurtan isaga ay ka wayn tahay.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee raggan xabsiga loo dhigay, hayeeshe waxaa la sheegayaa inay u xidhan yihiin amar dhinaca Dowladda ah, maadaama looga shakiyay raggan ku biirista Shabaabka.

Magacyada shantan nin ee la sheegay inay ku jiraan xabsiga Kismaayo ayaa kala ah Anwar Abdi, Ali Omar, Abdirahman Mohamed, Deeq Mohamed iyo Shukri Noor

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed