|

Magacyada Sadex Gacan Ku dhiigle oo Ciidamada Somaliland Maanta Ku Fuliyeen Xukun Qisaas ah

Hargaysa 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta dil ku fulisay saddex gacan ku dhiigle oo hore dilal badheedh ah u geystay,sida uu daboolka ka qaaday Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan.

“Waxa Saaka oo bishu tahay 17/01/2016-ka abaarro 8:30 subaxnimo Jeelka weyn ee Mandheera hortiisa lagaga fuliyay dil toogasho ah saddexda qof ee kala ah:-

Marxuumad Ruqiya

Marxuumad Ruqiya

1)-Gacan Ku dhiigleyaal Muuna Maxamed Cabdilaahi (Ina Faadumo Cali) oo 37 jir ah.

2)-Maxamed Axmed Cali (Ina Muuna Maxamed)  oo 21 Jir ah, kuwaasi oo hore si wada jir ah ugu dilay  Magaaladda Hargeysa, gaar ahaan xaafadda New-Hargeysa Marxuumad la odhan Jiray Ruqiya Siciid Ayaanle, ka dibna ku aasay daarada gurigooda.

3)-Waxa isagana dil toogasho ah lagu fuliyay gacan ku dhiigle Cabdalla Xasan Maxamed (Ina Aamina Xasan) oo 30 Jir ah, kaasi oo hore ugu dilay degmadda Dhoqoshay ee gobolka Tog-dheer Marxuum la odhan jiray Maxamed Muuse Cashuur,”ayuu Xeer Ilaaliyuhu ku yidhi War-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray.

Comments are closed