Magacyada Saddex Kamid ah Hoggaanka Al-shabaab Oo Loo Diiday Inay Ka Faa’iidaysan Karaan Cafiska Dawladdu u Fidisay Ururkaas
Muqdisho:April,12,2015(SDN/QJ)-Kadib markii ay Dawladda Somalia shaacisay Qiimaha ay ku raadinayso Madaxyada 11-ka mid ah Hoggaanka sare ee Ururka Al-shabaab, ayey sidoo kale tilmaamtay in Saddex kamid ah Raggaasi aanay iyagu ka faa’idaysan Karin Cafis hore Dawladdu ugu fidisay Xubnaha ururkaas.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo Arrintan ka Hadlay, ayaa sheegay in cafiskoodu aanu khusaynin saddex xubnood oo la aaminsan yahay inaanay Geyin in Cafis loo fidiyo.
“Dowladda waxay hadda lacago dhul dhigtay 11 ka mid ah Madaxda Al Shabaab, saddex ka mid ah maahee inta kale way ka faa’iideysan karaan cafiska ay Dowladda u sameysay.” Ayuu yidhi Wasiirka Amniga Somaliya.
Wasiirka, ayaa saddexda nin ee aan la cafin doonin ku kala sheegay Amiirka Ururka Al Shabaab Axmed Diiriye, balse isu magacaabay Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda), Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage iyo Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay).
“Axmed Diiriye, Cali Dheere iyo Mahad Karataay saddexdaas nin waxay ogyihiin dembiga ay ummada Somaliyeed ka galeen inta uu le’eg yahay, iyagaba way ogyihiin inaysan Dowladda isku soo dhiibeen, Dowladdana aysan cafinayn.” Ayuu yidhi Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho.
Waxa uu intaa raaciyay “Dowladdu waxay inta kale ee Saraakiisha Al Shabaab ka tirsan ugu baaqeysaa inay ka faa’iideystan cafiskii loo fidiyay, kana baxaan Al Shabaab.”
Dhawaan ayey ahayd markii ay Dawladdu soo saartay Liis ay ku taxan yihiin 11-ka mid ah Hoggaanka Al-shabaab oo madaxyadooda lacago tiro badan la dul dhigay, balse waxa ay Xukuumaddu haatan shaacisay in saddex Nin oo saraakiisha kooxdaas kamid ah aanu khusaynin Cafis aan muddadiisu wali dhicin oo Loo fidiyey shakhsiyaadka kooxdaas ku abtirsada.
SDN/QJ