Magacyada Rag Lagu Xidhiidhiyey Al-shabaab Oo Puntland Ku Xukuntay Dil Iyo Xabsi Dheer
Boosaaso 09. March 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland, ayaa Shalay xukunno kala duwan ku ridday Rag muddo ku xidhnaaa xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso, isla-markaana lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa sheegay in Raggan ay tiradooda tahay siddeed Qof oo laba ka mid ah lagu soo eedeeyay dil ka dhacay degmada Qandala ee gobolka Bari.
Xukunka lagu riday Raggan ayaa sidan kala ahaa.
1:-Cabdiwaaxid Macalin Axmed oo 22- sano jir ah waxaa lagu xukumay 10 oo xadhig ah.
2:-Maxamed Cali Xuseen oo 22 sano jir ah ,waxaa lagu xukumay 10 –sano oo xadhig ah.
3:-Yaasiin Maxamed Cabdi oo 39-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xadhig ah.
4:-Cabdulahi Maxamed Barre oo 19-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xadhig ah.
5:-Ibraahim Yusuf Muxiyadiin oo 17-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xadhig ah.
6:-Maxamed Cabdiqani Xasan oo 33 –sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xadhig ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale dil toogasho ku xukuntay Mubaarik Mire Muumin iyo Faysal Ibraahim Cali, waxaana labadan Qof oo ahaa Askar ka tirsan ciidanka Puntland ay ku eedeysnaayeen dilka qof shacab ah.
Ugu danbayn,Puntland ayaa maalmahan wadday olole balaadhan oo xukunno lagu fulinayo Ragga loo soo xidh-xidhay arimo la xidhiidha Al-shabaab-nimo, iyadoo weli ay gudaha magaalada Bosaaso ay ka socdaan howl-galo xooggan oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.