|

Magacyada Masuuliyiin Siyaabo Kala Duwan Gudaha Muqdisho Loogu Laayey Oo Aan Cid Dishay La Aqoon

Muqdisho:April,26,2015(SDN/QJ)-Toogashada qorshaysan ee loo geysanayo Masuuliyiinta Xukuumadda katirsan iyo kuwa  ammaanka ku shaqada leh, ayaa kusoo badanay Magaalada Muqdisho, waxana shalay ilaa iyo maanta Dilal loo geystay Tiro masuuliyiin ahayd oo aan cid dishay la aqoonsan.

BASTOLADSarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliya, ayaa waxaa duhurnimadii maanta lagu dilay Isgoyska KPP ee Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho xilli uu halkaas marayey.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi hiray C/laahi Samaan Ismaaciil, ayay laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ku toogteen Isgoyska KPP, xilli la tilmaamay inaanay wax ilaalo ah la socon.

Raggii toogashada ku dilay Sarkaalkaasi, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay ka baxsadeen goobtii ay Sarkaalkaasi ku dileen, waxaana adkaatay in gacanta lagu soo dhigo.

Gudoomiye Waaxeed, ayaa waxaa xalay lagu dilay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, kaasoo lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamed Bariise.

Nin kale oo xubin fir fircoon ka ahaa Maamulka Degmada Xamar Jajab, ayaa waxaa isna lagu dilay Degmadaasi Salaaddii Maqribka ka dib ee xalay, waxaana la oran jiray Sheekh Xuseen Cabdi.

Dilalka Qorshaysan oo u eg tabaha Kooxaha Al-shabaab wax u khaarajiyeaan ayaa si weyn ugu soo batay Magaalada Muqdisho, waxana Tallaabadaas loo arkaa mid ammaanka khalkhal gelinaysa oo aan lagu sii jiri karin.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed