|

Magacyada Laba Qof Oo La Sheegay Inay Si Been Abuur ah u Isticmaalaan Magacyada Madaxda Dawladda Federalka Oo La Shaaciyey

Muqdisho:June,08,2015(SDN/QJ)-Kadib cabashooyin isdaba jooga  oo soo baxayey muddooyinkan, ayey Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya maalintii shalay daaha ka faydday magacyada laba qof oo lagu eedeeyey inay si been abuur ah u adeegsadaan Magacyada madax katirsan Dawladda Federalka Somalia.

magcoLabadan qof  ayaa lagu eedaynayaa inay Baraha Bulshadu ku xidhiidho u adeegsadaan isticmaalka magacyada madaxda Dawladda, isla-markaana ay si  joogto ah u aflegaadeeyaan Madax kale oo Dawladda katirsan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan  ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in dadkani ay ku socdaan baadhitaan balse la ogaaday qaarkood isagoo faahfahin ka bixiyay laba koox oo baraha Warbaahinta bulshada  ku isticmaali jiray magacyada Madaxda Dowladda, iyagoo baahinaya warar been abuur ah.

Labadan qof ama koox ayuu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga inay hay’adaha amniga ee booliska iyo Nabad sugida dabagal ku sameeyeen, midkoodna adageesaday cinwaanno lagu sameystay magacyada Madaxda iyadoo saaran yahay sawirada Madaxda qaarkood una  adeegsado dowlado iyo hay’ado caalami ah.

“Hay’aduhu waxa ay soo ogaadeen shaqsiyaadka isticmaala baraha bulshada ee lagu aflagaadeynayo Madaxda dowaldda ilaa iyo hadda, hay’aduhu waxa ay ogaadeen IP address-yada laga isticmaalo cinwaanada aan kuu sheegay, telefanadooda”, ayuu yidhi Afhayeenka oo dadka la kashifay ku sheegay:

1. Cumar Xaayow Calas oo runtii ah ninka ugu horeeya ee ku shaqeysta blackmail

2. Cali Cabdi Wardheere “Cali yare” oo ka mid ah group-kaas

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu kaloo sheegay inay jiraan shaqsiyaad kale oo Hay’adaha Amniga ay  ku raad joogaan, kuwaas oo uu sheegay in goor dhow Warbaahinta loo soo bandhigi doono.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed