Magacyada iyo Sawirradda Afar Nin Oo La Filayo Inay Toddobaadkan Weerarro Ka Geystaan Gudaha Kenya Oo Lasoo Bandhigay
Nairobi, May,01,2015(SDN/QJ)-Waaxaha Ammaanka waddanka Kenya, ayaa Baahiyey Sawirrada Afar Nin oo la sheegay inay ku Hawllan yihiin sidii ay weerarro cusub uga Fulin lahaayeen Gobolka Xeebta ee waddanka Kenya.
Xilliga raggani qorshaynayaan inay weerarro geystaan, ayaa lagu sheegay inay tahay dhamaadka Toddobaadkan, waxana la sheegayaa in heegan sare arrintaas laga galay.
Booliska ayaa sheegay in warbixino sirdoon oo ay heleen ay raggan xidhiidh la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen inay suura gal tahay in saraakiishooda ay u soo direen Kenya, si ay weeraro uga fuliyaan.
Mid ka mid ah afarta ruux oo lagu magacaabo Abdulkadir Abubakar Abdulkadir ayaa la dashay mid ka mid ah saddex gabdhood oo hore Ciidamada Booliska ka qabteen magaalada Mandhera, xilli ay doonayeen inay tallaabaan xuduuda Soomaaliya.
Sidoo kale haweenka kale ee bishii la soo dhaafay lagu qabtay Mandhera, iyagoo isku dayay inay u gudbaan Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay guursadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa kaloo ciidamada ay baadigoobayaan Issa Abdallah Kauni, kaasoo degenaa magaalada Mombasa, waxaana waalidiintiisa ay waayeen sanadkii hore, waxaana waalidiintiisa ay u diiwaan geliyeen sida qof la waayay oo kale.
Dowladda ayaa aaminsan in wiilkan uu u safray Soomaaliya, si uu ugu biiro Al-Shabaab, waxaana uu xidhiidh la lahaa Mr Abdulkadir.
Labada kale waa walaalo, waxaa lagu kala magacaabaa Ahmed Said Omar oo lagu naaaneyso Dogo iyo Hussein Said Omar oo lagu naaneyso Babli.
Afartan ruux ee si aad ah ay u baadigoobeyso dowladda Kenya ayay waxay madaxooda saartay abaal marin lacageed oo gaadheysa laba milyan lacagta Kenya ah.
Booliska ayaa sheegay in cidii macluumaad sahli karta in la soo qabto tuhunsanayaasha la siin doono abaal marintaas lacageed, waxaana Booliska uu soo bandhigay taleefano lagala soo xidhiidhi karo, cidii aragta ama heysa halka ay raggaas ku sugan yihiin.
SDN/QJ