Magacyada Gabdhaha iy wiilasha oo si cilmi nafsi ahaan loo fasiray kana turjumeeso qofka wata magacaas dabeecadiisa dhabta ah iyadoona lagu ogaaday tijaabooyin ay sameeyeen baarayaal ku xeel dheer cilmu nafsiga
Aan ku bilaawano dhanka wiilasha:-
Axmed: waa qof qalbi wanaagsan iskana saamaxo qofkii ka galo danbiyo waa weyn oo xaq daro ah wax muhiimad ahna masiiyo wax ka imaan doonaa gadaal.
Ibraahiim: waa wiil baari ah jecelna walaalihiisa gabdho iyo wiilal in badana u axsaan falo
Qaasim: waa qof aad u qosol badan qariyana murugadiisa
Turkii: waa qof in ta badan jecel safarada muhiimadana siiyo xornimada nafsadiisa
Jaasim: waa qof ay dabeecadiisa jeceshahay in waxa loo qabto ficil ahaan halka hadal lagu ekeen lahaa
Xaamud: waa qof naftiisa ku qabo kalsooni haddii aad u qososho dunida kugu jeclaanayo waxyaabo badan igmad lehna aad ka faa’ideyso
Xuseen: waa qof dhiig culus mana yaqaano si uu u cabiro jaceylkiisa iyo dareenka ku jiro haddii ay tahay xittaa wax dhab ah
Qaliif: waa insaan wanaagsan una isxaan falo caruurta
Qaalid: waa qof banaanka isaga soo saaro waxii murugo ah ee ku jira sheekaalowna ah shaqsiyad wanaagsana leh
Cabdullaahi: waa qof aad u wanaagsan in uu waqti kuu helana isku dayaayo bis dhibka jira ayaa ah in uu wax haleeyo
Cabdi caziiz: wa qof jecel daawashada beeraha mana jecla in uu qof yiraahdo waad qaldan tahay dadkana waxa ay ku waalan yihiin quruxdiisa dabeecadiisa wana qof dadka cizeeyo.
Cabdi raxmaan: waa qof markuu sii weynaadaba sii qurux badnaananaayo dhiigiisuna uu yahay qafiif waxana aad u yar nasiibkiisa
Ciid: waa qof adag jecelna wax kasta aadna u dagan
ciise: waa qof qalbi wanaagsan leh si fududna ku hanto qalbiyda dadka run sheegna ah mana ah dadka u saaxiibka ah ganacsiga
Caadil: waa qof galgal badan dadkana si toos ah u weydiiyo su’aalaha si uu u ogaado arimaha qofkaas xittaa waxa uu isku dayaa in uu qofkaas la dagaalo si uu u ogaado jawaabta ficil ahaan kaga imaan karto.
.
Sacad: waa qof ah caato ama cayil malahan dhex dhexaadnimo in badan in uu wa cuno ayuu aad u jecel yahay waxaana uu aad u jecel yahay in uu ku dheelo wayaabaha electaronicga ah xittaa haddii uu cimrigiisa weynaado
Saalax: waa qof aad u dareen badan kuna fiican doorida hadiyadaha una huro naftiisa qoyskiisa iyo qofka uu jecel yahay qofna ma jeclo in uu ku xadgudbo .
Faysal: waa qof dhiig culus kuna waalan dhanka jaceylka ahna qof dheer
Maxamed: waa qof aad u wanaagsan inta badana dadka iska cafiyo hasayeeshee ma ilaawo qofkii qalad ka galo xittaa haddii ay kasoo wareegato 5-sano muddo ah kuna dhahaayo maxasuusataa maalintaas iyo maalintaa
Naasir: waa qof ku mashquulsan raadinta haweeney dhameystiran dunidana ku yar qof la mid ah mana kaa daaho guurka
Yuusuf: waa qof suga hablaha jecelna gawaarida illaalo badana
Magacyada hablaha iyo micnahooda
Ibtisaam: waa gabar u adeegta dadka qof culusna ah lakiin cuqdada ku jirto ayaa ah waad fool xun tahay
Amal: waa gabar qalbi wanaagsan leh inta aysan arin ka go’aan qaadina ka fakirto kun jeer
Axlaam: waa qof shaqsiyad adag ah leh wanagsan dadka u adeegto kuna fikirto in ay rumeeso riyooyinka mustaqbalkeeda
Asmaa: waa qof aamusnaan badan degena
Iimaan: waa qof qalbi wanaagsan leh dadkuna ay jecel yihiin lakiin dhibka heesto ayaa ah in ay san sheega karin wax qalbigeeda ku jiro ayna iska dhaadhiciso uunsan jirin wado ay ku sheegtaba
Jamiila: waa gabar wanaagsan jecelna la dhaqanka hal qof dhibka heesto ayaa ah ma dhex gal gali karto bulshada
Xanaan: waa qof uu dhiigeedu fudud yahay dadkana u adeegta dhibka heestaase ah in aysan dadka wax u ogoleen mararka qaarna sameeso wax lala yaabo
Xuriya: waa qof jecel saxiibadeeda lakiin waa qof carab dheer micnaha cod dheer ah ku hadasho
Qadiija: waa qof wanaagsan dadka jecel qalbi wanaagsana leh dhex galka dadkana kama hesho dadkana waxa ay kula macaamiloota qalbi wanaagsan haddii aad qalad ka gashana isla markiiba waa ay kuu sheegeysaa
Raaqiya: waa gabar ku mashqullsan howlaheeda u gaarka ah ma jecla socodka iyo war wareega badan
Zeynab: waa qof wanaagsan shaqsiyad adagna leh waxana ay jeceshahay in ay had iyo gooraalaba cabirto dareenkeeda
Salmaa: waa qof jecel saaxiibadeeda jecelna xornimada nafteeda lakiin waa qof fara ka ciyaar badan
Shariifa: waa qof uu dhiigeedu fudud yahay jecel saaxiibadeed dadkuna ay iyada jecel yihiin waqtigeedana uu u xisaabsan yahay hadal micno darana aan laheyn
Maryama: waa qof wanaagsan jilicsan waxbixisa lakiinn galgal badan
Nuura: waa qof shaqsiyad wanaagsan leh firfircoon caqligeeda ku fakirta jecel in ay kordhisato aqoonta dhaqanka wadankeeda lakiin mahan qof cabirikarta waxa aysan aqoonin
Hindi: waa gabar wanaagsan firfircoon haddii ay wax jeclaatana waxa ay jeceshahay in ay hesho waxaas
Yaasmiin waa qof wanagsan dadkana u adeegto
Yusraa: waa qof shaqsiyad adag ah lehjecelna waxa muuqda
Nafisa xaashi cali
naftaxaashi143@hotmail.com