|

Magacyada 13-Ka Mid ah Dhallinyarada Soomaalida Bristol Oo Maxkamadi Ku Heshay Dembiyo Kufsi La Xidhiidha

Bristol:Nov,28,2014(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska, ayaa dembiyo la xidhiidha arrimo Kufsi ku Heshay 13-ka mid ah Da’yarta soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

kufeeDa’yartan ayaa la sheegayaa inay kufsi kula kaceen afar Gabdhood oo dhallinyaro ah, kuwaas oo saddex kamid ahi ay ahaayeen caddaan, halka midda kalena ahayd dadka loo yaqaanno iska dhalka.

Gabdhahan ayaa da’adoodu u dhexeysay 13 jir illaa iyo 17 jir. Waxaana gabdhahan la sheegay in falalka kufsiga ah lagula kacay hotel ku yaal magaalada Bristol.

Dhalinyaradan Soomalida ah ayaa maxkamada Bristol Crown Court ay dhagaysatay dacwadooda laba jeer oo kala gaar ah. Waxaana siddeed ka mid ah dhalinyaradan lagu xukumay xabsi u dhexeeya 18 bilood illaa iyo 13 sano.

Toddobada kale ayaa Dorraad Arbacadii waxa la dhegeystay dacwadooda iyadoo la filayo in Maanta lagu dhawaaqo xukunkooda.

Dhalinyaradan oo magacyadooda lagu soo daabacay wargeysyada dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka mid ah Said Zakaria oo 22 jir ah, Mustapha Farah oo 20 jir ah,Liban Abdi oo 21jir ah,Arafat Osman 20 jir, Idleh Osman 21jir, Mustafa Deria 22 jir, Abdulahi Aden 20 jir, Mohamed Jama 23jir, Mohamed Jumale, 24 jir, Mohamed Dahir 22 jir, Jusuf Abdizirak, 20, Omar Jumale 20 jir, Abdirashid Abdulahi, 21 iyo Sakariah Sheik, 21jir.

Bulshada ka soo jeeda dalka Soomaaliya ee ku nool dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Bristol ayaa aad uga xumaaday falka lagu soo eedeeyay dhalinyaradan Soomaaliyeed, waxaana qoraal ay soo saareen ururada bulshada magaalada Bristol ay sheegeen in aysan ahayn dhaqanka Soomaalida waxa lagu eedeeyay dhalinyaradan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed