Magacyada 10-ka qof ee Caalamka ugu Tijaarsan iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan oo la soo saaray
NEW YORK 11, March 2012 (Qurbejoog.com/Reuters)- Jariidada Forbes Magazine, ayaa soosaartay magacyada tobanka qof ee ugu tijaarsan ama ugu dhaqaalaha badan ee dunida sannadka 2012.
Sida uu wargeysku faafiyay, tobanka qof ee caalamka oo dhan ugu qanisan waxa kaalinta koowaad u galay Carlos Slim Helu oo u dhashay Mexico oo ah ganacsade dhinaca shirkaddaha Isgaadhsiinta, iyadoo kaalinta labaadna uu galay Bill Gates oo u dhashay Maraykanka, ahna ninka leh shirkadda Microsoft oo soosaarta barnaamijyada Kambuyuutarada.
Magacyada tobakaa qof iyo dalalka ay u kala dhasheen, waxa ay kala yihiin;
1-Carlos Slim Helu oo haysta $69 billion, Mexico
2-Bill Gates oo haysta $61 billion, USA
3-Warren Buffett oo haysta $44 billion, USA
4-Bernard Arnualt oo haysta $41 billion, France
5-Amancio Ortega oo haysta $37.5 billion, Spain
6-Larry Ellison oo haysta $36 billion, USA
7-Eike Batista oo haysta $30 billion, Brazil
8-Stefan Persson oo haysta $26 billion, Sweden
9-Li Ka-shing oo haysta $25.5 billion, Hong Kong
10-Karl Albrecht oo haysta $25.4 billion, Germany.
Qurbejoog.com, New York
editor@somalidiasporanews.com