Magaciisaba ka garro : Beeshiisaa ayaa darajooyinkii laqa qadiyey hadanaa Silaanyo ayuu u mashxaradayaa
Waa Yaabka Yaabkiise. Maxaa nin noolow aragti yuu laaban. Markaan subaxii maanta furay Internetka ayaan la kulmey mashxarad uu Xildhibaan NacNac ku dhuftey isagoo Silanyo iyo Xukuumadiisa amaan kula dul kufay. NacNac ayaa sidoo kalena fariin Madaxtooyada looga soo dhibay oo la yidhi aflagaadee Golaha Toosinta halkii ka akhriyey.
Gulwadeenta NacNac maxay kaa dhibtaa hadii isaguun marmar Silanyo ixtiraamayo. Shaley bay aheyd markii Madaxtoyada uu ka dhex mashxaradayey isagoo inadeertii Nadra ay Xirsi badheedh ugu xidhneyd text message ay dirtey. Iyadoo Nadra xidhantahay ayuu NacNac ururka Xaqsoor fariimaha lagu caayayo madaxtooyada looga soo dhiibayey.
Maantoo Beesha Arab gebi ahaanba laga qadiyey darajooyinka la bixiyey, waxaa la yaab ah waxaa NacNac ku kalifay in uu Silaanyo amaan huwiyo. Miyuu xukuumada uu ku faanayo la gorgortamo oo beeshiisa xaqqa ka maqan u raadiyo. Waar maanaa waalam mise cadan ayaa laga heesayaa.
Waxaan NacNac farayaa waad bakhtiyi bakhti looma cuno. Malaha diintaanad aqoone, asraaqada Ilaahey baa bixiyee Silaanyo ma bixiyo. Shilaamaad Madaxtooyada lagaaga soo tuuro yeyna bahdilaada intaa