|

Magaca Wiilkii Ugu Horreeyey Ee Soomaaliyeed Oo Isku Qarxiya Dalka Ciraaq Oo La Shaaciyey

Baghdad:June,02,2015(SDN/QJ)-Muwaadin soomaaiyeed oo kamid ahaa Mintidiinta Daacish oo ka dagaalama Waddanka Ciraaq, ayaa ay warbaahinta dalkaasi shaaciyeen inuu isku qarxiyey Saldhig Boolis oo ku Yaalla Waddanka Ciraaq.

suusoWargeysyada dalkaasi Ciraaq oo xiganaysa Saraakiisha Amaanka ayaa qoray in Muwaadinkaasi Soomaaliyeed mudooyinkaani dambe uu kamid ahaa dhalinyarada loo diyaarinaayay Ismiidaaminta oo tababaro loogu soo xidhay Duleedka Magaalada Baqdaad.

Magaca ruuxaani naftiis huraha ah  oo lagu soo koobay Abu Zeyd, ayaa waxaa sanajirkiisa lagu sheegay inta u dhexeysa 25 ilaa 30 jir.

Abu Zeyd ayaa la sheegay in xiliga uu weerarkaasi ismiidaaminta ah fulinaayay uu waday gaadhi Taangi ah waxa uuna la galay Saldhig Ciidan oo ku yaala Baqdaad.

Sidoo kale Bayaan ka soo baxay Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in naftiis hurahaasi uu kasoo jeeday dalka Somalia, islamarkaana qorshihii laga damacsanaa weerarka uu u fuliyay sidii loogu tala galay.

Dhacdadani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Muwaadin Soomaaliyeed uu ku dhinto Dagaalada Kooxda Daacish ay ka wado Suuriya iyo Ciraaq.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed