Magaca Wiil Dhallinyaro ah Oo Booliska Hargeysa Markale Madaxa Ka Toogteen
Hargeysa:Aug19,2015(SDN/QJ)-Wali magaalada Hargeysa waxa kasii socota toogashadii ciidamada Ammaanku u geysanayeen Dhallinyarada, waxana ay Habeen hore Xaafadda Daammi madaxa kaga toogteen wiil dhallinyaro ahaa, kadib markii ay rabshado ka dhaceen xaafaddaas habeennimadii Salaasadii ina dhaaftay ee shalay.
Wiilka oo Magaciisa la yidhaahdo Axmed Saxardiid,ayaa Ciidamaddu ay Madaxa Xabad kaga dhufteen,waxaana hadda dhaawacisii lagula tacaalayaa Cisbitaalka Weyn ee Magaaladda Hargaysa.
Siyaasiga Barkhad Cismaan Batuun oo arrintan warbaahinta qaarkeed kala hadlay, ,ayaa noo sheegay in Ciidanka Boolisku ay gaabsadeen inay kala dhex-galaan Caruurta markii ay Bilamantay isku dhaco oo ugu yaraan ay hal maalin kasoo waraagetay,waxaana uu intaas raaciyay inay Arrintaas ku dhaliilan-yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Cabdilahaai Fadal Iiman.
Si kastaba ha ahaatee,dhacdan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo in ka yar Saddex todobaad Magaaladda Hargaysa ay Ciidanka Amaanku ku toogtee Saddex dhalinyaro ah,kuwaas oo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliskuba ay si qabaw uga hadleen.
SDN/QJ