Magaca Sheekh Caan ah Oo Xalay Ciidanka RRU-du Ugu Daateen Aqalkiisa Oo Hargeysa Ku Yaalla
Hargeysa:April,09,2015(SDN/QJ)-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(aadan sunne)oo kamid ah Culimada waaweyn ee Magaalada Hargeysa, ayey Xalay Ciidanka La dagaalanka Argagixisada ee RRU-du ugu dhaceen Aqalkiisa, waxana ay u taxaabeen Xabsiga.
Ciidamada oo goor danbe oo xalay ah qabashada sheekha fulisay ayaanay suura galin In laga helo xogo dheeraad ah oo la xidhiidha xadhigiisa, balse sheekh Aadan Sune ayaa mudooyinkii u danbeeyey jeediyey khudbado la xidhiidha dhinaca u khidmaynta diinta ilaahay.
Sheekh Aadan Sune waxa kale oo uu khudbadihiisii ugu danbeeyey ee uu jeediyey kaga hadlay dhaqano aan wanaagsan oo dad reer galbeed ahi ka wadaan gudaha magaalada Hargeysa, isaga oo dhinaca kala tilmaamay inay dadkaasi bulshada ku dhex fidinayaan diinta kiristaanka.
Sheekh Aadan Sune ayaa inta badan khudbadaha uu jeediyo maalinta jimcaha waxa uu kaga hadlaa sidii loogu gargaari lahaa diinta ilaahay, isaga oo si gaara markasta uga hadla dadka dhibaatada ku wada diinta bulshadana xumaanta ku dhex fidinaya, waxa uu si gaar ah u soo qaataa hay’addaha aan wax badan ee qaban ee dadkana ku dhex fidiya diinta Kiristaanka, waxaana Sheekh Aadan Sune u suura gashay inuu soo bandhigo dhaqano lidi ku ah diinta oo ay waday hay’add la odhan jiray NNM taas oo keentay inay xukuumadu go,aan ku gaadho in laga saaro dalka.
Sheekhan la xidhay Xalay, ayaa Magaalada Hargeysa iyo Meelo kale oo Somalilnad kamid ah ku Haysta Taageero laxaad leh, waxana uu muxaadarooyin isdaba joog ah ka jeediyaa Xaafadaha Magaalada Hargeysa, waxan uu hibo u leeyahay inuu soo jiito Quluubta Dhallinyaro tiro badan.
Qabashada Sheekhan, ayaa kusoo beegmaysa muddo kooban kadib markii kooxda Al-shabaab ay gumaad ku laysay Boqolaal Arday ka ahaan jirey Jaamacadda Garisa, waxana Tallaabooyin culimo badan lagu qabqabanayaa ka socotaa Gudaha Dalka Kenay.
SDN/QJ