|

Magaca Sarkaal Shabaabka Duqayn Cirka Ah Shalay Lagaga Dilay Oo Meydkiisa Baardheere La Geeyey

Baar-dheere:Mar,13,2015(SDN/QJ)-Sarkaal kamid ahaa Amniyaadka Kooxda Al-shabaab oo shalay Maraykanku ku dileen Duqayn cirka ah, ayaa Meydkiisa la geeyey Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo lagu wado in maanta lagu aaso.

Al-Shabaab video threat to British MuslimsSarkaalkan oo magaciisu ahaa Aadan Garaar, ayaa  gelinkii dambe ee Khamiistii lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad Drone ah, oo ka dhacay inta u dhaxeyso Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor.

Aadan Garaar oo la socday gaadhi Suzuki ahaa, ayaa duqeymaha lagula eegtay deegaanka Abaa-huluul, oo qiyaastii 40km u jirta Degmada Baardheere, oo ah Degmada ugu weyn Gobolka Gedo.

Garaar waxaa lala dilay ilaa saddex nin oo kale, oo uu ku jiro darawalkiisii gaarka ahaa oo lagu magacaabi jiray Jaamac Cali Maxamed (Jaamac Afbalaar). Afbalaar waxaa da’diisa lagu qiyaasay 25 sano jir.

Garaar waxa uu xubin muhiim ah uu ka ahaa Xoogaga Amniyaadka ee Ururka Al Shabaab. BBC ayaa sheegtay in ninkaasi lala xiriirinayay weerarkii ay Shabaabku ku burburiyeen rugtii ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi.

Sarkaalka la dilay, ayaa ku sii jeeday Degmada Baardheee, iyadoona uu ka tagey Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Mareykanka, ayaa u muuqda mid xoojiyay duqeymaha xagga cirka ah ee Saraakiisha Shabaabka uu kula beegsanayo Gobolada Koonfureed Somaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed