|

Magaca Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Maamulka Jubba Land Oo Al-shabaab Ku Biiray

Kismayo:June,12,2015(SDN/QJ)-Sarkaal sare oo ciidamada Maamulka Jubba Land kamid ahaa, ayaa iskaga goostay maamulkaas, waxana uu isu dhiibay Xarakada Al-shabaab ee Deegaanadaas ku sugan, sida uu ku caddeeyey waraysi uu siiyey warbaahinta Kooxda Al-shabaab gacanta ku hayso.

raaroSarkaalkan oo lagu magacaabo Yuusuf Macalin Nuur ayaa ka mid ahaa saraakiishii sanadkii 2011 lagu soo tababaray dalka Kenya kadibna ka qeybgalay dagaalkii Al-Shabaab looga saaray magaalada Kismaayo.

Wararka aan ka heleyno saraakiil ku sugan magaalada Kismaaayo ayaa sheegaya in sarkaalkan uu ku sugnaa deegaanka Hoosingow, halkaasoo uu ka goostay isaga iyo hubkiisa, wuxuuna iska dhiibay degmada Jilib oo Al-Shabaab ay joogaan.

Tirada askarta iyo saraakiisha ciidanka lagu soo tababaray dalka Kenya ee hore  uga mid ahaa ciidankii dawlada federaalka iyo kuwa jabhada Raskanbooni ee ku biiray Al-Shabaab ayaa sii kordhaya.

Ilo wareedyo sirdoon ayaa sheegaya in askartaasi ka goosatay Kismaayo oo si fiican u yaqaana deegaanadii ay ku soo tababarteen ee Kenya marka ay ku biiraan Al-Shabaab loo adeegsado weerarada Al-Shabaab ku qaadaan gudaha deegaanada Kenya.

Maamulka Jubbba Land wali kama uu hadlin arrintan, waxase inta badan dhacda in Ciidamada qaar kamid ahi ku qancaan inay ku biiraan Kooxaha islaamiyiinta Al-shabaab.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed