|

Magaca Nin U Dhashay Dalka Britain Oo Kamid Noqday Xubno Shabaabka Katirsanaa Oo Shalay Lagu Laayey Gudaha Kenya

Lamu:June,15,2015(SDN/QJ)-Ciidamada waddanka Kenya, ayaa soo bandhigay 11-meyd oo ay sheegeen inay katirsanaayeen Kooxda Al-shabaab, kuwaas oo ku dhintay Dagaal Deegaanka Lamu ku dhexmaray Kooxaha Al-shabaab iyo Ciidanka Kenya.

wajoXubin kamid ah meydadkaas, ayaa la aqoonsaday, waxana la sheegayaa inuu yahay nin u dhashay dalka Britain oo horeba loo ogaa inuu kamid noqday Kooxda Al-shabaab.

Ninkan oo magaciisa Thomas Evans, balseĀ  haatan la baxay magaca Cabdiraxmaan oo u dhashey dalka Britain isla markaana diinta Islaamka qaatey markuu ahaa 19 jir, ayaa la xaqiijiyey in lagu diley dagaalkii koox ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaaley gobolka Lamu ee xeebaha Kenya.

Thomas Evans (Cabdixakiim) ayaa Soomaaliya u safrey sanadkii 2011 si uu ugu mid noqdo ururka al-shabaab waxaana uu ka galay dhanka Kenya, ka hor inta aanu tegin Soomaaliya ayuu muddo ku sugnaa dalka Masar isaga oo safarkiisa ku sheegey in uu soo baranayo afka Carabiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK ayaa sheegtey in ay baadheyso warka Kenya ka soo baxay ee dhimashada Thomas Evans ee loo yaqaaney Abdul Hakim.

Ciidamada Kenya ayaa soo bandhigey meydadka 11 nin oo laga diley kooxda al-Shabaab kuwaas oo ay ku jiraan laba nin oo caddaan ah, waxa ay xidhnaayeen qaarkood dharka tuutaaha, waxaana Kenya sheegtey in laga furey hub badan iyo waxyaabaha qarxa.

Kooxdan ayaa la aaminsan yahay in ay hawlgalo badan ka fuliyeen xeebaha Kenya gaar ahaan dilkii ka dhaca bishii June magaalada Mpeketon ee lagu diley 48 qof.

Muwaadiniinta u dhashey dalka Britain ee ka mid noqdey al-Shabaab ayaa lagu sheegaa in ay ka badan yihiin 50 qof.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed