|

Magaca “Maxamed” Oo Norway Ka Noqday Kan Loogu Jecel Yahay Iyo Wiilashii Ugu Badnaa Oo Loo Bixiyey

Oslo:Aug,30,2014(SDN/QJ)-Magaca ugu badan ee Carruurta dalka Norway ku dhalanaysa loo bixiyo ayaa noqday Magaca Maxamed oo aah hore ugu badnaan jirin.

boysUrurka la magac baxay Jorgen Ouren ayaa shaaciyay in inkabadan 4,800 oo rag waaweyn iyo wiilalba la yidhaahdo Maxamed iyadoo magacana uu ka sare maray magacyadii hore caanka ugu ahaa dalka Norway sida Jan iyo Per.

Waa markii ugu horeysay ee magaca Mohamed uu noqdo magaca loogu jecel yahay dalka Norway inkastoo qoraalkiisa iyo ku dhowaaqidiisaba uu ka kala duwan yahay.

Ma aha oo kaliya dalka Norway in magaca Mohamed uu yahay kan loogu jecel yahay balse dalka UK ayaa tirakoob la sameeyay waxa uu noqday magaca Maxamed kan ugu caansan ee waalidiinta England iyo Wales ay sanadkii 2013-kii wiilashooda u bixiyaan.

Dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Norway ayaa tiradoodu waxa ay gaadhayaan 150,000 iyadoo guud ahaan tirada dadka ku nool dalkaasna ay yihiin 4.5 million tirakoob la sameeyay 2012.

Dadka Islaamka ah ee ku nool dalka Norway ayaa badankood waxa ay ka yimaadeen dalalka Pakistani, Somalia, Iraqi iyo Morocco.

 

Balse dalka Norway ayaa waxaa ka jira ururka ugu weyn ee ee ka soo horjeeda Islaamka kaasoo ay xubno ka yihiin dad gaadhaya saddex kun oo ruux.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed