|

Magaca Hooyo Soomaaliyeed Oo Booliska Dalka Norway ay Caloosha Rasaas Kala Dhaceen

Oslo:Sep,20,2015(SDN/QJ)-Hooyo Soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay Saynab Maxamed, isla-markaana madax ka xanuunsnaysay, ayaa galabnimadii jimcihii booliska Norway caloosha rasaas kala dhaceen, waxana loola cararay cisbitaalka.

noroSida ay dad goob-joogayaal ahi u xaqiijiyeen warbaahinta, hooyadan, ayaa Booliska ka hortimi iyadoo sidata Mindida Khudaarta lagu jarjaro, waxana isla-markiiba si ula kac u toogtay mid kamid ah booliskii halkaas ku sugnaa.

Booliska Ayaa Halkaas Ka Kaxeystay 2-Nin Oo Somaali Ah Oo Goob Joog Ka Ahaa Shilka Dhacay, Dadweyne Farabadan Oo Iskugu Soo Baxay Goobtaas Ayaa Ka Deyriyay Kusii Noolaashaha Dalka Norway .

Maalin Ka Hor Ayey Aheyd Markii Uu Booliisku Ku Toogtay Degmada (Ski / Shii )Oo Ku Dhaw Oslo Booliiska Ayaa Lagu Hubeeyay Bastoolada Intii Ka Danbeysay Bishii March Mudo 6-bilood Ah Waxay Ku Shiish-barteen 16-Ruux Dad Shacab Ah Uu Ku Jiro Wiil 3-Sano Jir Ah Oo U Dhashay Norway.

Booliiska Norwey Ayaa Ah Midka Ugu Sareeya Sharciga Uguna Horeeya Boobka Caruurta Qaxootiga Soomalia Iyo Dalalka Kale iyagoo Gacanta U Geliyo Heyada Badbadada Caruurta  Norway Oo Kaalinta 1aad Ka Gashay Budhcada Caruurta Qaxootiga Ku Nool Wadamada Yurub Ayaan Jirin Masuul Ka Hadla Arinkan Oo Ka Tirsan Dowlada Norway.

In Ka Badan 1800-Caruur Somaaliyeed Ayaa Laga Qaatay Waalidintooda Qaarna ay Xabsiga Ku Jiraan Haatan Sida Hooyo Khadra Diiriye Warsame Caruurteedina Weli U Afduuban Dowlada Norway.

 

SN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed