|

Magaalooyinka Burco Iyo Boorama oo Maalinta Beri ah ay ka Furmi doonaan Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Wareegiisa kowaad

Hargeysa, 04 Oct  2015 (SDN/QJ)- Waxa maalinta bari ah si rasmiya ugu furmaya magaalooyinka Burco Iyo Boorama wareega hore ee tartanka ciyaaraha gobolada somaliland.

xulTartamada hore ee ciyaaraha gobolada oo loogu tala galay in lagu kala saaro gobolada somaliland isla markanaa wareegiisa labaad lagu qaban doono caasimada Hargeysa ayaa waxa la filayaa inuu ku bilaabmi si habsamiya.

 

Sidoo kale wararka aanu ka helayno xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa sheegaya in inta badan xulalkii gobolada ee loogu tala galay inay wareega hore ee ciyaaraha gobolada kaga qaybgalaan xarunta gobolka Awdal ee Boorama ay gaadheen magaaladaasi.

 

Dhinaca kale wararka aanu ka helayno xarunta gobolka Togdheer ee Burco  ayaa sheegaya inay magaaladaasi soo gaadheen inta badan xulalka loogu tala galay inay tartanka kaga qayb galaan magaaladaasi, halka inta kalana la filayo inay ilaa caawa soo galaan.

 

Tartanka ciyaaraha gobolada somaliland ayaa sanadkan loogu tala galay in la qabto wareeg hore oo lagu kala reebayo gobolada kuwaas oo ka dhici doona magaaloyinka Boorame iyo Burco halka wareega labaad ee tartanka koobkana loogu tala galay in lagu qabto caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Comments are closed