Magaalooyin Badan oo Ka Tirsan Dalka Maraykanka oo ay ka dhaceen Mudaharaadyo Lagu Diidan Yahay Madaxweynaha la doortay Donald Trump DAAWO
Washington 11.November 2016 (SDN/QJ):- Dibad baxyo Balaadhan ayaa Ka qabsoomay Magaalooyinka waawayn ee Dalka Maraykanka iyadoo dadwaynuhu kasoo Horjeedaan Madaxtinimada uu ku Guulaystay Mr Donald Trump, Isla Shalay Galab Gaadhay Caasimada Maraykanka ee Washington.
Dibad baxayaasha oo sita boodhadh ayaa Ku Canbaareeyay Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka inuu yahay cunsuri, Waxayna Kumanaan Dibad baxayaal ahi Socod Lug ah ku Mareen Wadooyinka Waaweyn ee magaalooyinka waa weyn ee Mareykanka.
Dad aad u badan ayaa buuxiyey waddada Fifth Avenue ee magaalada New York, kasoo horjeedka Dhismaha Trump Tower, halkaasi oo madaxweynaha la doortay uu ku nool yahay, waxayna ku dhawaaqayeen “Jaceylka ayaa ka guuleysta Nacaybka”.
Koox kale oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu yimid banaanka Aqalka Cad ee Mareykanka, oo dhowaan noqon doona guriga cusub ee Donald Trump.
Meel aan halkaasi ka fogeynna Gaar ahaan, waddada Pennsylvania Aveneu ee hotelka Trump ku yaallo ayaa dibad baxayaasha waxa ay sidoo kale ku qeylinayaan “U dheh si xooggan, u dheh si cad, qaxootiga waa lagu soo dhoweynayaa waddankan”.
Magaalooyinka kale ee Bariga Mareykanka, sida Philadelphia, Miami iyo Boston ayaa dibad baxayaasha waxa ay sidoo kale ku baaqayaan in xilka laga qaado madaxweynaha la doortay Donald Trump.
Dhinaca galbeedkana, magaalooyinka Los Angeles, San Francisco, Portland iyo Seattle ayaa kumanaan qof waxa ay gooyeen isu socodkii gaadiidka, ayaga oo ka cadheysan guusha Trump uu ka gaadhay Hillary Clinton.
Banaanbaxyada ayaa sidoo kale ka dhacay magaaloyinka ku yaalla badhtamaha, sida Minneapolis iyo St. Paul, Omaha iyo Kansas City.
Ma jirto cid ka tirsan kooxda Trump oo weli ka hadashay dibad baxyadan.