Magaalooyin Al-Shabaab Go’doomisay Oo Gaajo Loogu Dhintay
Xudur:26,May,2014(SDN/QJ)-Wararka laga helaayo Gobolka Bakool, ayaa waxay sheegayaan in ay macluul baahsan ka jirto Gobolkaasi, ka dib markii Shabaabku go’doomiyeen deegaanadii ay dhowaan kala wareegeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.
Shacabka ku dhaqan Degmooyinka Xudur, Waajid, Rabdhuure iyo Ceelbarde, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay la ildaran yihiin macluul (gaajo), iyadoo aynaan jirin wax gurmad ah oo weli dadkaasi loo fidiyay.
Maalinimadii shalay ahayd, ayaa waxaa inta u dhaxeyso Degmooyinka Waajid iyo Xudur la sheegay, in ugu yaraan ay 7 ruux gaajo ugu geeriyootay halkaasi.
Laba caruur oo kale, ayaa iyana la soo sheegayaa in maanta Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, ay macluul awadeed ugu geeriyoodeen, iyadoo saacadaha soo socdana laga cabsi qabo in dad kale u dhintaan.
Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Xasan, ayaa wuxuu Madaxda Dowladda uu ku eedeeyay inaysan kaba damqanayn macluusha ay la ildaran yihiin dadka reer Xudur.
Maxamed Cabdi Tool, Gudoomiyaha Gobolka Bakool, ayaa dhankiisa ku waramaaya gargaarkii Dowladda u soo dirtay Gobolka Bakool, in uu weli ku xaniban yahay Magaalada Baydhabo.
Dowladda waxaa marar kala duwan loogu baaqay in gargaarkii xagga dhulka ku gaarsiin laheyd Gobolka Bakool, ay u bedesho mid dhinaca cirka ah, inkastoo aynaan weli taasi jawaab ka bixin.
SDN/QJ-Xudur
contact@somalidiasporanews.com