|

Magaalo Yurub Ah Oo Ciddii Degta La Siinayo Abaalmarin !

Bormida 14. May 2017 (SDN/QJ):- Magaalo ku taalla Dalka Talyaaniga oo la yidhaa Bormida ayaa waxay soo bandhigtay abaal marin la siinayo cidda cusub ee soo degta magaaladaasi, kadib markii laga baqay in magaaladaasi isku badasho goob lama dagaan ah oo ay aad u yaaraatay tirada Dadka ku nooli.

Magaaladan waxa ku nool 394 qof oo kaliya waxaanu Maayarka Magaaladaasi go’aan ku gaadhay inuu soo bandhigo abaal marintan si dad kale oo cusubi usoo degaan, dhibaatada kaliya ee ay dadku ku naceen inay degaan ayaa waxay tahay inay Badda ka sarayso 420m, waxaanay ka tirsan tahay Gobolka Liguria ee ku yaalla Waqooyiga Dalkaasi Italy.

Daniele Galliano oo ah Maayarka Magaaladaasi ayaa sheegay in dhibaatooyinka kale ee ku kalifay inuu go’aankan qaato ay ka mid tahay in Da’yartii ku noolayd magaaladaasi ay uga soo guureen shaqo la’aan awgeed, Magaalada Bormida ma aha Magaaladii ugu horraysay ee ka tirsan Dalkaasi Italy ee cid cusub oo soo degta La abaal mariyo, waana arrin had iyo jeer soo noqnoqota oo ay Madaxda Dalkaasi had iyo jeer Ajaaniibta ku nool ay ku dhiiri galiyaan inay degaan magaalooyinka ay dadku ku nooli yar yihiin.

Comments are closed