|

Magaalo yar Oo Ku Taalla Dalka Cummaan Oo La Sheegay In Laga Soomo 3-Saacadood iyo Badh

wakan

Wekan,16,6,2016 (QJ/SDN) – Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa maalmahan baahinayey war sheegaya in Tuulo ku taalla dhinaca koonfur galbeed ee wadanka Cummaan bisha Ramadaan marka la gaadho laga soomo oo kaliya sadex saacadood iyo badh.

Waxaa tuuladan oo la yidhaahdo ‘Wakan’ ku nool boqolaal qof, waana meel loo dalxiis tago oo leh beero qurux badan buuro, dooxooyin biyuhu ay qulqulayaan iyo meelo kale oo dalxiiska iyo tamashlaha ku wanaagsan.

Wakan waxay jooga badda ka sareysaa illaa 2000 Mitir, waxaana warbaahinta qaarkood iyo baraha bulshada lagu faafiyey in qoraxdu ay magaaladan yar u soo baxdo saacadu marka ay tahay 11:00am, ayna dhacdo 2:30pm taasoo ka dhigan in dadka halkaas ku dhaqan ay soomayaan oo qudha saddex saac iyo badh.

Haddaba, waxaa wararkan beeniyey warbaahinta dalka Cummaan oo ku tilmaamay sheeko khayaali ah oo la been abuuray.

Wasiirka dhaqanka, dalxiiska iyo diinta Cummaan oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in wadankaas laga soomo 15 saacadood, aysana suuragal aheyn in tuulo ka mid ah laga soomo Saddex saac iyo badh.

“Suuragal maaha arinkan, tuuladan waxay caasimada Masqat u jirtaa 150km, waxaa ku wareegsan buuro waaweyn oo sababaya in marka ay soo baxdo qoraxdu aysan dadku horey ka arki illaa ay oogada cirka soo gaadho, taasina macnaheedu maaha in qorraxdii aanay soo bixin” ayuu yidhi wasiirku.

Dhinaca kale, waxaa la isku raacsan yahay oo aan shaki ku jirin in wadanka ugu saacadaha gaaban soonka uu yahay wadanka Arjantiin oo muslimiinta ku nool ay soomayaan oo kaliya 9 saacadood.

Comments are closed