|

Magaalo Xeebeedka Berbera Iyo Booliiska oo Toogtey Nin Dirawal ah

Berbera 01. November 2016 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya gobolka Saaxil ayaa sheegaya in ciidamadda  ka hawl-gala kaantaroolka  dhinaca  Berbera uga soo baxa  degmadda Sheekh  ay toogteen nin baabuur watay.

ciidamada-booliska-oo-toogtay-1-696x522Wararku waxaa ay sheegayaan in ninkaasi la Toogtay Xalley kadib markii ciidamada Kaantaroolku ay xabad ku fureen.

Waxaa la sheegayaa in Gaadhigaasi ay saarnayeen Dadkale oo ku socday Gobolka Sool.

Warar qaar ayaa sheegaya in  ninka baabuurka watay uu si xoog ah ku dhaafay Birta Kaantaroolka, kadib-na ay ciidamadu rasaas ku fureen sidaas-na uu ku dhintay.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa wax faahfaahin ah kasoo saarin ninkaasi lagu Dilay Kaantaroolka Magaalada Berbera.

Comments are closed