|

Magaalo ku taalla Maraykanka oo La Iibinayo Iyo Qiimaha Lagu Iibinayo oo La Shaaciyey

Tiller 17. March 2017 (SDN/QJ):- Waxaa la shaaciyey in Magaalada Tiller ee ku taala gobolka Oregon ee dalka Maraykanka ayaa la shaaciyey in gabi ahaanba la iibinayo, waxaana lagu iibinaya lacag gaaraysa 3.8 milyan oo doolar.

Magaaladan oo ku taalla koonfurta Portland inteeda badan ma ahan mid la degan yahay waxayna ku fadhidaa dhul gaaraya 225 mayl.

 

Waxa la iibinayo waxa ku jira lix guri, dhismo dabaqyo ka kooban, kaalin shidaal iyo dukaan. ku dhowaad 250 qof ayaa ku nool agagaarka meesha la iibinayo.

 

Dadkii deganaa magaalada ayaa bilaabay in isaga guuraan ka dib markii uu hoos u dhacay wax soo saarka alwaaxa oo ahaa mid ay ka ganacsan jireen isla markaasna ay beeran jireen, sidoo kalana waxa albaabada loo laabay warshadii ay ku farsamayn jireen alwaaxa, sidaasi waxa sheegay mid ka mid ah dadka ka ganacsiga iibinta guryaha.

Magaalada Tiller waxa markii hore la shaaciyey in la iibinayo 2015-kii, balse wakhtigaa iyada ah lagu ma darin waxa la iibinayo iskuul qadiimi ah oo ku yaala magaalada.

 

Laba qof oo keliya ayaa haatan kunool magaaladaasi Tiller- waxayna kala yihiin macalin hawlgab noqday iyo baaderi, waxaana la sheegay in aanan la iibin doonin meelaha ay deganyihiin.

 

Dadka sheegay inay danaynayaan inay iibsadaan magaaladaasi waxa ka mid ah dhowr maalgashato oo ka soo jeeda dalka shiinaha, dad doonaya inay halkaasi ka samaystaan xarumo caafimaad iyo dad doonaya in halkaasi ay ka samaystaan beero.

 

Waxaa la sheegayaa in uu jiro qoys iibsaday inta badan dhulkii ay deganaayeen dadka isaga guuray magaalada.

Comments are closed