|

Magaalo Ku taala Soomaaliya Oo Laga Mamnuucay Koox Diimeedka Cusub Ee Al Saadicuun Bil-Xaq

Nugaal 15. April 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne oo maanta Warbaahina la hadlay ayaa shaaciyay in magaalada Garawe iyo guud ahaan gobolka Nugaal laga mamnuucay Koox Diimeedka la magac baxday Al Saadicuun Bil-xaq.

Waxa uu Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ku baaqay in tilaabo deg deg ah laga qaado dadka katirsan Koox Diimeedkan cusub ee Al Saadicuun Bil-xaq iyo xarumaha kuyaala magaalada Garawe ee laga taageero kooxdaasi.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in go’aankan ay ka qaateen Koox diimeedkan cusub ay la socodsiiyeen dhammaan hay’adaha amniga ee puntland, wasaaradaha qaarkood iyo madaxtooyadda Puntland.

Waxa uu amar ku siiyay Gudoomiyaha gobolka Nugaal ciidamada amaanka in ay soo xiraan dadka kamidka ah Urur diimeedka Al Saaciduun Bil Xaq, waxa uuna shacabka ka codsaday in ciidamada amaanka usoo far muuqaan goobaha ay joogaan dadka kamidka ah Kooxdan cusub.

Koox Diimeedkan cusub ee Al Saadicuun Bil-xaq oo la tilmaamo in ay yihiin Takfiir ayaa looga dhawaqaay wadamo ay Soomaaliya ku jirto, waxaana kooxdan soo saareen Bayaano kala duwan iyaga oo soo duubay muuqaalo, waxa ayna xubno katirsan kooxdan ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Soomaaliya.

Comments are closed