Magaalo Kale Oo Ku Taala Soomaalia Oo Laga Diiday Isticmaalka Shilinka Soomaaliga Iyo Ganacsiga Oo Xidhan
Gal-Gaduud 05. July 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ganacsatada kunool magaaladaasi ay maanta diideen qaadashada lacagta Shilinka Soomaaliga, kadib markii magaladaasi lagu arkay lacago been abuur ah.
Ganacsigii ka jiray magaalada Guriceel ayaa maanta joogsaday kadib markii ganacsatada diideen in alaabahooda ku iibsadaan lacagta Shilinka Soomaaliga , waxa ayna taa badalkeeda ganacsatada wax ku iibasanayaan lacagta Dollarka.
Jahwareer ayaa ka jira ganacsiga magaalada Guriceel waxaana arintan lasoo sheegayaa in ay soo faragaliyeen Ciidamada maamulka Ahlu Sunna kuwaa oo xiray goobaha qaar ee ganacsi ee diiday in ay qaataan lacagta Shilin Soomaaliga.
Diidmada Lacagta Shilin Soomaaliga ayaa kasoo bilaabatay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , waxaana hada laga cabsi qaba in magaalooyin kale laga diido isticmaalka lacagta shilin Soomalaiga iyadoona ganacsatada ka cabanayaan lacagaha faalsada ee Suuqyada soo galay.